Pau Cubarsí Oo Hoggaaminaya Tartanka Golden Boy 2026

0
10

Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka Spain, Pau Cubarsí, ayaa haatan hoggaaminaya tartanka abaalmarinta Golden Boy 2026, sida lagu sheegay qiimeynta cusub oo uu soo saaray wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport. Cubarsí, oo 19 jir ah, ayaa kaalinta koowaad kaga jira qiimeynta kadib qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee xilli ciyaareedka iyo bandhiggii uu la sameeyay xulka Spain. Waxaana hadda loo arkaa mid ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaalmarinta loo dhiibo ciyaaryahannada ugu wanaagsan qaaradda Yurub.

Sida warbixinta lagu sheegay saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya tartankan ayaa kala ah Pau Cubarsí oo ah xidig u ciyaara kooxda  Barcelona iyo xulka Spain, laacibka Lamine Yamal oo isaga laftigiisu ka tirsan Barcelona iyo xulka Spain iyo Yann Diomande oo ka tirsan kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Ivory Coast. Sida lagu xusay warbixinta Lamine Yamal ayaa weli ku jira kaalmaha ugu sarreeya qiimeynta, balse sida la filayo ma awoodi doono inuu ku guuleysto Golden Boy 2026, maadaama uu hore ugu guuleystay abaalmarinta sannadkii 2024. Sida uu dhigayo xeerka Tuttosport, kaas oo dhigaya in ciyaaryahan hore ugu guuleystay Golden Boy aan mar kale loo dooran karin abaalmarinta. Taasina waxay fursadda ugu weyn siinaysaa Pau Cubarsí, oo hadda loo arko mid ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad abaalmarinta, halka Yan Diomande uu sidoo kale ka mid yahay ciyaartoyda ugu sarreeya tartanka.

Yann Diomande oo kaalinta Saddexaad ku jira

Dhanka kale, weeraryahanka reer Ivory Coast, Yann Diomande, ayaa kaalinta saddexaad kaga jira qiimeynta Golden Boy 2026. 19-jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo sare u qaaday qiimeyntiisa, taasoo ugu dambeyntii soo jiidatay Real Madrid. Kooxda reer Spain ayaa xagaagan kala soo wareegtay RB Leipzig, iyadoo heshiiska labada kooxood lagu sheegay inuu gaadhi karo ilaa €140 milyan, taasoo muujinaysa sida weyn ee loo qiimeynayo xiddigan da’da yar.

Diomande ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirista Real Madrid, isaga oo tilmaamay in u ciyaarista kooxda reer Madrid ay ahayd riyo uu lahaa tan iyo yaraantiisii. Waxa uu sidoo kale muujiyay farxaddiisa ku aaddan inuu hal koox kula ciyaaro xiddigo uu hore uga daawan jiray telefishinka. Ciyaaryahanka ayaa uga mahadceliyay kooxda iyo tababaraha kalsoonida ay siiyeen, isaga oo xusay in u ciyaarista Real Madrid ay tahay tallaabo la imanaysa masuuliyad weyn iyo shaqo adag. Inkasta oo uu isku tilmaamay qof xishood badan, haddana Diomande wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si degdeg ah ula qabsado kooxda, isla markaana uu door muuqda ka qaato guulaha Real Madrid.

Lamine Yamal oo kaalinta labaad ku jira

Lamine Yamal ayaa kaalinta labaad kaga jira qiimeynta, isagoo weli ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee sida weyn looga hadal hayo kubadda cagta Yurub. Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain ayaa horey ugu guuleystay Golden Boy 2024, taasoo ka dhigan in aanu sanadkan mar kale u tartami karin abaalmarinta. Inkasta oo Yamal aanu heli karin Golden Boy 2026, haddana joogitaankiisa kaalmaha ugu sarreeya wuxuu muujinayaa heerka uu gaadgay iyo saameynta uu ku leeyahay Barcelona iyo xulka Spain. Magaciisa oo weli ku jira saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya ayaa sidoo kale muujinaya inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha da’yarta ee ugu awoodda badan Yurub.

Cubarsí oo Haysta fursad uu taariikh cusub ku sameyn karo

Haddii Pau Cubarsí uu ku guuleysto Golden Boy 2026, wuxuu noqon karaa daafacii labaad ee taariikhda kubadda cagta qaata abaalmarintan. Daaficii ugu dambeeyay ee ku guuleysta wuxuu ahaa xiddigii reer Netherlands Matthijs de Ligt, kaas oo abaalmarinta qaaday sannadkii 2018 isagoo markaas u ciyaarayay Ajax. Fursadda Cubarsí waxay si gaar ah u tahay mid xusid mudan, maadaama abaalmarinta Golden Boy inta badan ay ku guuleystaan ciyaartoyda weerarka ama khadka dhexe. Haddii uu ku guuleysto, wuxuu noqon doonaa daafac kale oo magaciisa ku dara taariikhda abaalmarinta.

Qaabka loo sameeyaa qiimeynta Golden Boy

Tuttosport, iyadoo kaashanaysa Transfermarkt, waxay isticmaashaa Golden Boy Index si ay bil kasta u cusboonaysiiso qiimeynta musharraxiinta. Qiimeynta waxaa lagu saleeyaa waxqabadka ciyaartoyda ee kulamada kooxaha, tartamada Yurub, kulamada xulalka qaranka iyo joogteynta bandhiggooda. Cubarsí ayaa si weyn uga faa’iidaystay bandhigyadiisii uu la sameeyay xulka Spain, taasoo ka caawisay inuu sare ugu kaco qiimeynta isla markaana uu noqdo musharraxa hadda hoggaaminaya tartanka.

Tallaabooyinka La Filayo

Tartanka Golden Boy weli ma dhammaan. Liiska musharraxiinta ayaa inta u dhaxaysa Juun iyo Oktoobar si tartiib tartiib ah loo dhimayaa, iyadoo ugu dambeyn la gaadhsiinayo ciyaartoyda ugu cadcad. Kadib, guddi caalami ah oo ka kooban saxafiyiin ayaa dooran doona xidigga noqonaya ku guuleystaha Golden Boy 2026.

Xeerarka sanadkan ayaa dhigaya in ciyaartoydu ay dhasheen 1-da January 2006 ama wixii ka dambeeya, isla markaana aanay hore ugu guuleysan abaalmarinta. Waxaa sidoo kale jira Golden Boy Web, oo ah qayb ay taageerayaashu codkooda ku dhiiban karaan.