Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Mudane Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay xuska maalinta shaqaalaha Aduunka ee 1/5/2018 iyo Jamhuuriaydda Somaliland oo 27 sanno ka dib ay sannadkan shaqaalaheeda dawladda ugu suntan tahay isbedel wayn, ka dib markii diwaangelintii madaxtaabashadda oo horseedi doonta horumar lagu tayeynaayo lagu sameeyo shaqaalaha dawladda dalka laga hirgeliyey.
Mudane Sharmarke Axmed Muxumed waxa uu sheegay in xuska maalinta shaqaalaha adduunka ee 1/5/2018, ee sannadkan ay Jamhuuriyadda Somaliland uga duwan tahay sannadihii hore, waxaanu tilmaamay in shaqaalaha dawladda Somaliand ay sannadkan ugu suntanaan doonto guul iyo horumar ballaadhan, ka dib diwaangelintii shaqaalaha qaranka Somaliland ee hay’addoodu ku guulaysatay.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Mudane Sharmarke Axmed Muxumed Geelle (Dacar) isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “1-da May iyo macnaha ay maanta u Samaynayso Shaqaalaha Dawladda Somaliland 27 Sanno Kadib.
Sannadkan wuxuu ku soo beegmay xili xukuumadu xog-ururin buuxda ku soo sameeysay shaqaalaha Somaliland mid walbana rejo ku sugayo; derejo bedel, xuquuq, xeerar, tababar, agab, aqoonsi, gunno, mag-dhaw iyo hawl-gab.
Maalintan oo kale ayaa badi dunida laga xusaa, lana xurmeeyaa doorka shaqaalaha kala duwan kaga jiraan horumarka iyo horu-socodka dal higsanayo, iyada oo hoos loo eego caqabadaha la soo darsa ama haysta shaqaalaha kala duwan ee dal leeyahay.
Somaliland ayaa sida oo kale maalintan oo kale xusta isla markaana shaqada ka nasisa shaqaalaha dawladda iyaga oo ku xurmayana dedaalka naf-hurka le ee ay qarankooda duruufaha adag ugu adeegaan.
Haddaba, Waxaa xusid mudan in shaqaalaha dawladda Somaliland sannadkan ay uga dareen iyo rejo badan tahay 27 sanno oo ay maalintan oo kale soo qaadan jireen iyada oo maalintan ay ku soo beegantay xili lasoo ururiyey dhammaan intii xog looga baahna si inta ay ka cabanayaan-ba looga caawin lahaa.
Xog-ururintan ayaa midba rejo gaar ah ka filayaa isaga/iyada oo ka sugaya; derejo bedel, xuquuq, xeerar, tababar, agab, aqoonsi, gunno, mag-dhaw, hawl-gab iyo dhamaan-ba inta shaqaale lagu kasbado ama kobciyo halka dhalinyarada dalku ka sugayso kaalmo shaqo oo soo baxa si ay qalinkooda ugu soo baxaan.
Dhanka kale, masuuliyiinta gobolada ayaa xogtan laga soo helay ka dhawraya; maamul daadajin iyo maaliyad qaybin halkaas oo marka warkan le helay tallo la heli doonno.
Isku soo wada duubo, maanta inta shaqaysa iyo inta shaqo-doonka ah ba waxa ay u tahay maalin iyo sannad uga duwan kuwii hore iyaga oo si hilow badan u sugaya xogtii oo maraysa wejiyadi ugu dambeeyey ee kala shandhaynta si looga soo saaro war suggan iyo weedh sax ah.”
Dawannews Hargeysa office