Tukaraq (Dawan):- Wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayao guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, Khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa booqday jiidda hore ee ciidanka qaranka ee Tukaraq ee gobolka Sool oo dorraad dagaal gardarro ah ay ku soo qaadeen ciidanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay deegaanaada maamul goboleedka Puntland.
Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay dagaalka gardarada ah ee Somaliland lagu soo qaaday iyo siday ciidanka qaranku iskaga difaaceen duulaankii cadawga kaga yimi waxaa uu yidhi “Ciidammada Somaliland waxa lagu yaqaan meesha ay tagaan in ay dadka taakuleeyaan oo ay la saaxiibaan wixii ka dhintay ciidanka qaranka Somaliland ALLE janadii hageeyo wixii ku dhaawacmayna ALLE ha inoo bogsiiyo,waana dagaal lagu qasbay ee maaha dagaal aynu qaadnay ciidanka qaranka waxa ay joogaan dhulkii ay u dhaarteen waxaana aanu u sheegnay beesha caalamka in ciidanka qaranku joogayaan Tukarakaraq, waxay is yidhaahdeen ka gaadhsiiya inta lagu maqanyahay dabbaal-degga xuska 18 May,waana ciidan lagu seexan karo una tudha dadkiisa.”
Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay maleeshiyaadka dagaalka soo qaaday oo uu sheegay in ay yihiin kuwo la soo qalday isla markaana lasoo lumiyay oo wax qaldan loosoo sheegay ayaa ciidanka qaranka kula dardaarmay in ay illaaliyaan oo ay xannaaneeyaan wixii ay ka qabtaan ee ay nolol ku abtaan,waxaanu yidhi. niman kaa maleeshiyada ah ee la soo habaabiyay ee marka ay idin arkaan yaacaya wixii aad qabataan xannaaneeya Putland waxa aan leeyahay yaan been laydiin sheegin waxa idinka soo horreeyaa waa waxaad aragtaan waxaanan salaan idiika sidnaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.”.
Wasiirka wasaaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf ayaa aad ugu dheeraaday nabad gelyadu sida ay u wanaagsan taahy iyo sida ay Somaliland in badan ugu dedaashay in nabad lagu wada noolaado oo aan colaad laga dhex hurin Somaliland iyo Soomaaliya soohdinta ay wadaagaan laakiin Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ay nabadu deeqi wayday oo ay qaadan kari waayeen.
Waxaanu ciidanka qaranka ku bogaadiyay sida ay cadawga uga gacan sarreeyeen iyo dhirbaaxada lama illaawaanka ah ee ay ku dhufteen.“nabadu waa shay qaaliya waxaana cad in la qaadan waayay nabadii aanu ku baaqaynay wixii dhashayna waa la arkay waxaanan ciidanka iyo saraakiisha ugu hambalyaynayaa guusha ay gaadheen,waxaan maanta(shalay) joognaa meeshii aynu markii hore difaaca kaga jirnay waxaanay caddaynaysaa in ciidanka qaranka aanu weerar ahayn,”.
Ugu dambayn weftiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland,ayaa waxaa halkaa isna ka hadlay wasiirka Wasaarada Horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Ayaa meesha kasaaray in ciidanka qarnla Somaliland cid duulaan ku yahay iyo in Somaliland ay doonayso in ay qabsat ayaa isaguna waxa uu tilmaamayo Garoowe,waxaani intaa ku daray in ay laba kala yihiin haybta la wadaago iyo qarannimada Somaliland “Garoowe si aanu udhawrno xuquuqdeeda caasimad nimo meel Garoowe loogu socdaa majirto kuwa loo reer sheeganaya waxa aanu leenahay waar reer nimada cidi nagama laha.”
Dawannews Hargeysa office