Hanti-dhawrka Qaranka oo Hawlo Baadhitaan Ka Bilaabay Berbera

0
265

Berbera (Dawan)- Hanti-dhawrka guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay subaxnimadii hore si kedis ah hawlo baadhitaan uga fuliyay xafiisyadda maamulka maaliyadda dawladda hoose ee Berbera iyo wakaaladda biyaha ee isla magaaladda Berbera.

Waxaanay masuuliyiinta ka socday hanti-dhawrku waraaqo amar lama furi karo ah ku dhejiyeen xafiisyada maamulka maaliyadda iyo lacagaha ee dawladda hoose iyo wakaaladda biyaha Berbera. Masuuliyiintani oo habeen hore niskii danbe ka guureeyay magaaladda Hargaysa ayaa waaberigii albaabada xafiisyadan ku dhejiyay warqad xambaarsan in masuuliyiinta iyo shaqalaaha xafiisyadani aanay geli Karin.

Cali Maxamed, oo ahaa masuulka hoggaaminayay xubnahan hanti-dhawrka guud ka socday ee hawlaha baadhitaanka ka sameeyay Berbera oo warbaahintu wax ka waydiisay u jeedadda hawlaha baadhitaan ee ay sameeyeen, waxa uu sheegay in ay gudanayeen waajibaadkoodda shaqo ee caadiga ah.

“Hawl-galkayagu ma aha u jeedo kale, oo cid khusaysa ama aanu cid gaar ku abbaarayno. Waxay ka mid tahay uun hawlaha caadiga ah ee xafiiska hanti-dhawrku qaranka u qaabilsan yahay oo la dar-dargeliyay. U jeedaduna waxay tahay in la ilaaliyo hantida ummadda, oo aanu dadka tusno in la isla xisaabtamayo, in uu jirro isla xisaabtan cad oo aanay cidnaba waxba u qarsoonayn.

Hanti-dhawrku ma aha hay’ad siyaasadeed, dadka qaar ayaa si kale u fasira. Balse waa hay’ad u taagan in ay ilaaliso hantidda ummadda weeyaan. Imika-na waxaanu wadnaa waa taas uun”ayuu yidhi Cali Maxamed.

Sidoo kale Cali Maxamed, waxa uu tilmaamay in aanu baadhitaankoodu ku koobnayn xafiisyadda dawladda ee Berbera oo keliya, balse ay dalkoo dhan ay ka samaynayaan. Waxaanu yidhi “Dalkoo dhan way ka socotaa hawsha baadhistu. Xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranku waxa uu sameeyaa noocyo badan oo baadhitaanno ah, waxaa jira baadhitaano xiliyo gaara la sameeyo, waxaa jira kuwo xaalado abuurma lagu sameeyo”.

Geesta kale Cali Maxamed, oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay maxsuulka ama natiijadda uga soo baxday baadhitaanadan ay shalay ku sameeyeen xafiisyadda dhinaca dhaqaalaha qaabilsan, ayaa ku jawaabay. “Runtii su’aashaas aad ayaan uga xumahay. Baadhistu ma aha Kamarad la duubayo, sanad dhan ayay baadhistu qaadan kartaa. Natiijadu in ay soo baxdo wuxuu qaataa wakhti badan. Laakiin u jeedadayadu waxa weeye, in adeega aanu ummadda u qabano aanu tusno in uu yahay in aanu wax u qabano.

In aanu sii balaadhin doono ALLAAHU yaclam, oo hay’ad baadhitaan ayaanu nahay. Laakiin waxaanu baadhitaan ku samaynay xafiiska dawladda hoose ee Berbera iyo ka wakaaladda biyaha Berbera”ayuu yidhi masuulkan ka socday hanti-dhawrka qaranka.

Dhinaca kale xoghayaha dawladda hoose ee magaaladda Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo ay warfidiyeenadu wax ka waydiiyeen siday u arkaan baadhitaanka ay hanti-dhawrka qaranku ku sameeyeen xafiiska dhaqaalaha dawladda hoose iyo halka baadhitaanku marayo.

Waxaanu yidhi “Saaka (shalay subax) afartii subaxnimo ayay hanti-dhawrku yimaadeen xafiisyadda dawladda hoose ee Berbera, markii aanu shaqadda soo galnay-na waxaanu nimid iyadoo ay xafiisyadu xidhan yihiin, waanan isugu nimid masuuliyiinta ka socday hanti-dhawrka.

Waxaanay siteen waraaqdii sharciga ahayd ee ay ka soo qaateen maamulka sare ee hanti-dhawraha, welina shaqadoodii baadhitaanku way socotaa, shaqadda ay qabanayaanna waa shaqadoodii sanad laha ahayd ee ay awalba qaban jireen”.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply