Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Rajo fiican ka Muujiyay Mashruuci Biyo Galinta Caasimada Hargeysa

0
435

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in mashruuca biyo galinta caasimada Hargeysi uu meel fiican marayo, isla markaana uu rajo weyn ka qabo in midho dhalkiisa lagu najaxo muddo dhaw.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucii uu daahfuray madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ee ahaa biyo galinta caasimada Hargeysa uu yahay mid soconaya mudo saddex sanno ah.

Gudoomiyaha guddida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland mudane Siciid Cabdillaahi Yasir ayaa maareeyaha wakaalada biyaha ku soo dhaweeyay goobtaasi waxaanu uga mahad celiyay sida wanaagsan ee u u soo ajiibay dalabkii ay ugeeyeen ee aheyd inuu bulshada faahfaahin ka siiyo halka uu marayo mashruuci biyo galinta caasimada Hargeysi.

Gudoomiyaha gudida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland Siciid Cabdillaai Yasir waxaa uu uga mahad naqay maareeyaha sida uu u soo ajiibay dalabkii ay ugeeyeen ee aheyd inuu dadka warbixin ka siiyo halka u marayo mashruuci biyo galinta caasimada Hargeysi waxaanu yidhi “Waan uga mahad celinayaa inuu ku yimaado wakhtigii aanu ku soo macsuunay uguna talo galay inuu ku yimaado gudida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland, ahna in gudidan la horyimaada mid dastuuriya, islamarkaana ah hab iyo hanaan umada loogu gudbiyo wixii loo qabtay iyo waliba warbixin iyo xaaladka biyaha oo dhan, waayo biyuhu waa noloshii, cid walbana waa ay taabaneysaa, ka ugu hooseeya ilaa ka ugu sareeya, biyaha hadalkoodi waa badan yahay umaduna waa ay u baahan tahay in warbixin cad oo xalaala la siiyo, kuna saabsan wixii idin qorsheysan iyo waxaa idiin qabsoomay”

Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa mudane Siciid Cali Daarood ugu horeyn waxaa uu faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo mashruuca biyo galinta caasimada Hargeysi waxaanu yidhi “Biyaha aanu maanta soo saarnaa waa sagaal kun oo mitir ku yuubin, waa ilaa 45-kun oo foosto, biyahaasi qaar caasimadii wada gaadha maaha, waana biyo nadaafadooda iyo xaaladooda caafimaad aad u sareyso, mashaariicda aanu biyaha ku soo gaadhsiinayno caasimada hay’addo badan ayaa nagala shaqeeya oo ay ka mid tahay midowga Yurub, SDF, bangiga horumarinta Jarmalka, hadii aynu beebka chineska ku soo shubno waxaa biyaha helaysaa uun intii awalba heli jirtay, laakiin magaalada qaybihii bilaa biyaha ahaa ma gaadhayaan, bangiga horumarinta Jarmalka ayaa isagu wada qorshe uu boqolkiiba konton ku gaadhsiinayo caasimada biyaha, oo xaafadkasta oo magaalada ah uu ka dhiso barkad cusub, magaaladana wajiga hore waxaa qorsheysan ilaa sideed keyd, afar waa weyn oo uu bineynayo mashruuca horumarinta Jarmalku, iyada oo mashruucaasi uu wakiil uga yahay ee loo yaqaano KFW, halka mashruuceeni hore ahaa 4-mk imika waxaanu ka dhigaynaa 8-mk mid laga dhex dhisi doono keydkii hore ee Chineska, mid laga dhisayo Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan libaax, iyo Singasiingaha, waxaana intaasi kabaya afar yar yar, oo uu dhisayo mashruuc kan xajmigiisa ka yar, afartaa keyd ee yar yarina waxaa ay kala yihiin Ina Naxar, Al-Huda iyo Masalaha, waxaana maalgalineysa oo dhisaysa African Cool Foundation, qaybtanina waa qaybta hadda gabagabada ku dhaw, afartii barkadood ee yar yar ee ku jirayna ay gabo gabo yihiin maanta”

Maxamed Cali Daarood maareeyaha wakaalada biyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Sababahan keenay in mashaariicdani ay dheeraadan oo ay hore ugu fuli waayaan waa markii ugu horeysay ee mashaariic noocan oo kale ah wadanka laga fuliyo, ahna arrin ku cusub hay’adda inala shaqeeya, beebabkii biyaha keenayay caasimada waa gabagabo, oo wax ka yar 600-m ayaa ka hadhsan, mashruuca qaybo kale oo wali inaga maqan laakiin la hayaa waa ay jiraan, cida mashruucani maamusha waa UN-HABITE inaguna dabagalka uunbaynu leenahay”

“Mashruucii uu furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee ahaa biyo galintii caasimada gudaheeda, oo ah mashruuc aad u weyn oo dawlada Jarmalkuna ay maalgalisay waxaa uu socon doonaa mudo saddex sanadooda, waxaanu rajeynayaa in mashruucaasi noqdo mid sii fiican u taabo gala, biyaha imika aynu soo saarnaana waa 9-kun oo mitir ku yuubin amase 45-kun oo foosto, hadhawna waxaa aynu filaynaa inay noqoto 20-kun oo mitir ku yuubin, Geed-deeble iyo aagiisaba biyo wanaagsan ayaa ku jira, oo kolba in la sii balaadhiyo ceelasha oo kolba mid nidaamka lagu soo xidho ayay noqoneysaa, 20-sano kadib Hargeysa baahida biyuhu waxaa ay noqon doontaa ilaa 60-kun oo mitir kuyuubin”Ayuu yidhi maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa mudane Maxamed Cali Daarood

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply