Wasiir Gaafaadhi oo Kormeer ku Tegey Degaanno ku Teedsan Xeebaha Gobolada Selel iyo Saaxil.

0
352

Saylac (Dawan)- Weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada horumarinta khayraadka Badda, Kalluumaysiga iyo Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa kormeer ku tegey deegaannada xeebta Gobolada Selel iyo Saaxil.

Socdaalkan hawleed ee wasiir Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa daaraanaa xogogaal u noqoshada xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin Kalluumaysatada gobolka Selel, gaar ahaan kuwa magaalada Saylac, waxaanu wasiirku kormeerkiisan ku soo maray deegaanno badan oo ku teedsan xeebta gobolkaasi Selel, isaga oo mid mid isu dul taagay goobaha loogu talo galay qaboojinta iyo hagaajinta Kalluunka iyo weliba mashaariic horumarineed oo loogu talo galay kaabista adeegyada kaluumaysatadu u baahan tahay.

Wasiir Gaafaadhi waxa uu warbixinno ka dhegaystay muddadii uu ku gudo-jiray kormeerkiisa masuuliyiinta hay’adda Fair Fishing oo iminka gacanta ku haysa xarunta baraf dhaliyaha iyo qaboojinta kalluunka ee magaaladaasi Saylac, isaga oo kula dardaarmay inay dardar geliyaan habshami u socodka shaqada kaluumaystada gobolka ee ay gacanta ku hayaan. Waxaanu xusay in ay xukuumaddu la wareegi toonto xaruntan oo ay muddo gacanta ku haysay hay’adda Fair Fishing.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda kalluumaysiga, khayraadka badda iyo xanaanada xoolaha Somaliland, waxa uu kulan is xog waraysiya la qaatay iskaashatada kaluunka Tawakal ee Gobolka Selel, waxaanu kula dardaarmay inay laban laabaan dedaalka qaran ahaan loogu jiro in la taabo geliyo qorshaha wax-soo-saarka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku duugan baddaha Somaliland.

Wasiirka Khaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo weftigii uu hogaaminayay waxa ay kulan Albaabadu u xidhanyihiin la yeesheen maamulka Gobolka Selel, oo ah horkacayeen Gudoomiyaha Gobolka, Taliyaha Ciidamada Badda ee gobolka iyo Isuduwaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga ee Gobolka Salal.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii ay wada shaqayn buuxda u wada yeelan lahaayeen maamulka heer Gobol, heer Degmo, Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Gobolka iyo iskaashatada kuluumaysatada gobolka Selel, isla markaana loo xoojin lahaa wax soo saarka khayraada baddeena iyo kalluumaysiga.

Dhinaca kale, weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumaysiga Md Xassan Maxamed Cali Gaafaadhi oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Xuseen Nuur iyo Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Khaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha, waxay kormeerkoodan ku soo mareen Jaziiradaha bilicda badan ee Sacaada-diin iyo Ceebaad, waxaanay halkaasi kula kulmeen Kalluumaysatada waaweyn ee haysta Ruqsada Kalluumaysiga Badda, waxaanay Kalluumaystadaasi ka xog-warrameen qaababka ay qhaqo Maal-meedkooda u gutaan.

Weftiga wasiirka kalluumaysiga iyo xannaanada xoolaha Somaliland, sidoo kale waxa ay safarkoodan ku soo mareen deegaannada Lughaya, Saba-wanaag, Ceel-sheekh iyo Bullo-xaar oo dhawaan xoolo dhaqatada deegaanadaasi ku dhaqan ay xoolihii kaga baxeen duufaantii xooga badnayd ee ka dhacday gobolada Selel iyo Awdal.

Wasiirka iyo weftigii uu hoggaaminayay waxa ay xoolo dhaqatada deegaanadaasi ky dhaqan ka xogwaraysteen qaabka iyo nidaamkii ay ugu adeegeen kooxihii iyo hawl-wadeenadii caafimaad ee ay wasaaradda xannaanada hoolaha iyo kalluumaysigu u dirtay deegaanadan, iyada oo dadweynaha deegaankuna ay warbixintooda ku sheegeen in xaalada guud ee caafimaadka xoolahoodu haatan wanaagsan tahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply