Ceel -afweyn (Dawan)- Shirkii nabadaynta ee baryahanba ka socday deegaanka degmada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta si rasmiya u soo dhammaaday, kaasi oo ay culimada iyo shirgudoonkii ay ka soo saareen go’aamo adag oo lagu saleeyay diinta Islaamka.
Xidhitaanka shirka nabadaynta ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiiradda, siyaasiyiin, gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo ergooyinka xidhayaasha labada dhinac, ee deegaankaasi shaqaaqadu ku dhexmartay.