Wasiirro Hore oo Iska Difaacay Musuq-maasuq Lagu Eedeeyay

0
268

Hargeysa (Dawan)- Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo Axmed Xaaji Daahir, oo isna ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha, ayaa iska difaacay eedo musuq-maasuq oo ay u soo jeediyeen guddiga dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland.

Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) ayaa sheegay in ay waajib tahay, in qofka wax laga sheegayo marka la waydiiyo waxa lagu eedaynayo. Waxaanu yidhi “Qofku markuu mas’uul yahay ama muwaadin yahay, ama shirkad yahay, wuxuu xaq u leeyahay markaad doonayso inaad halkan (golaha wakiillada) ka sheegto, inaad marka hore waraysato dadkii oo dhan ee lagu soo qoray ee todobaatanka qof ahaa. Qof bina’aadam ah oo wax la waydiiyay waa la waayay”.

Axmed Xaaji Daahir oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha Somaliland, ayaa isagu ku tilmaamay eedaynta loo soo jeediyay, dagaal siyaasadeed. Taas oo uu sheegay in uu dacwad ka gudbin doono. Waxanau yidhi “Waar malaayiin iyo balaayiin ayaa la qaataa. haddaad sheegaysid oo idinku aad ka mid tihiin (Baarlamaanka.

Arrintanna waxaa ka dambeeyaa waa dagaal xiddigaha ah oo siyaasaddeed oo weliba ka soo unkamaya dadkayaga iyo meesha aan ka soo jeedo. aniga ayaa lacag ku leh dawladda. waanan dacwoonayaa, waraaq baan qorayaa.”

Xubnahan la eedaayay ayaa ku doodaya in gabi ahaanba aanu jirin wax musuq-maasuq ah oo ay sameeyeen, ama ay ku kaceen, sida uu shalay warbaahinta u sheegay Cali Maxamed Xasan, (Marreexaan) oo hor tagay xarunta baarlamaanka Somaliland. Isaga oo ku dooday in wasiirradu ay xaq u leeyihiin iibinta dhulka iyo hantida kale ee dalka.

Guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa todobaadkii hore soo saaray warbixin dheer oo ay ku sheegeen in hanti malaayiin doollar ah ay dhaceen masuuliyiin hore uga tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo iyo dad kale oo aan xilal haynin. inkasta oo xildhibaanada golaha wakiilladu ay daadafeeyeen qaabka ay warbixinta u soo jeediyeen iyo cadaymaha oo ay sheegeen in aanay ku filnayn musuqmaasuqa ay guddigu ku andacoodeen.

Arrinta ayaa maalmihii u danbeeyey saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. iyaga oo qaarba dhinac ka eegayay musuqmaasuqa lagu eedeyey qaar ka mid xubnaha dawladdii hore ee Maxaweyne Silaanyo .

 

Leave a Reply