Xildhibaan Raalli Gelin ka Bixiyay Warbixin ay soo Bandhigeen Gudida Illaalinta Hantida Qaranka.

0
297

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in warbixinta ay soo bandhigeen gudida illaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee la xidhiidhay xisaab xidhka sannadkii 2016-kii, in ay ahayd mid kala dhiman, isla markaana looga baahnaa in ay ka badnaato inta ay soo bandhigeen.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, waxa kale oo uu xusay in looga baahnaa gudidu ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada, in ay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta hore ee ay xuseen, inta aanay warbixinta faafin. Waxaanu ka raalli geliyay warbixintaa gudidu soo saartay cid kasta oo dhibsatay.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Warbixintii ay soo bandhigeen gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada, waxa looga baahnaa waxyaabo badan oo ka sii badan inta ay soo bandhigeen.”

Mudane Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, waxa uu intaasi ku daray “Waxaa jirta cabasho badan oo ka soo baxday warbixintaa, waanan ka raali gelinaynaa ciddii ka cabatay oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Mareexaan”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, waxa uu sheegay in guddida dabagalka hantida qaran ay masuuliyaddi ka saarnayd in ay la kulmaan masuuliyiinta ay warbixintooda ku xuseen, ka hor inta aanay faafin, waxaanu yidhi “Guddidu shaqo ayay leedahay iyo masuuliyad, waxaanay ahayd inay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta ay ku xuseen warbixintooda ee xisaab xidhku khuseeyay. manay ahayn in ay si rasmi ah u faafiyaan waxna u sheegaan.”

Leave a Reply