KULMIYE oo Shaaciyay in Aanu Jirin Shir Gole Dhexe oo la Muddooyeey

0
340

Hargeysa (Dawan):- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay shir gole dhexe oo uu ku dhawaaqay guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee KULMIYE oo dhawaan hoggaanka xisbigu ka qaadeen xilkii guddoomiyaha golaha dhexe iyo xubinnimadii labada ba.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ahna guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa caddeeyay in aanu jirin shir gole dhexe oo la muddeeyay oo xisbigu ugu yeedhy xubnaha golaha dhexe.

Waxaanu intaa raaciyay in shirarka golaha dhexe ee xisbigu xilli leeyihiin oo muddo cayiman ay ku qabsoomaan, haddii wax daruuri ah oo ka soo hor maraa ay yimaaddaanna ay soo war gelin doonaan xubnaha golaha dhexe.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeen in aanu imika xisbiga wax xil ah aanu u haynin isla markaana aanu ka mid ahayn xubnaha golaha dhexe iyo xisbiga toona.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aad la socoteen in guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel in uu aad uga cambaareynayay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, cambaareyn aan sal iyo raad midna laheyn, in badanna waa lala hadley, Jaamac waanu joojin waayay cambaareyntii xukuumadda, xisbiguna xeerar iyo qawaaniin ayuu leeyahay, xeerarka iyo qawaaniinta xisbigu waa kala marxalado, waxaana loo sameystay xeerarka iyo qawaaniinta in leysku xukumo, leyskuna qaado.

Jaamac guddida fulinta ayaa ka fadhiisatay waxaana leysla gartay in aan intaa wax ka badan loo sii adkeysan karin, sidaa darteed xilkii iyo xubinimaddii xisbigaba in laga qaado ayaa leysla gartay, waana laga qaaday Jaamac”

Guddoomiye Warfaa oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “Aniga ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii Jaamac, warbaahinta ayaanan kala hadlay aniga oo u caqli celinaya, waxaanan ku idhi Jaamacow wixii aad sheegayso in aynu gudaheena ku dhameysano ayay aheyd, igamanuu qaadan taladii ee wuu sii watay cambaarayntii iyo eedaymihii aan jirin ee uu xukuumadda iyo xisbigaba u jeedinayay.”

Waxaanu ugu dambayn ku dhawaaqay in aanu jirin shir gole dhexe oo xisbigas u muddaysay maalinta Sabtida iyo kulan loogu yeedhy xubnaha golaha dhexe ee xisbiga midnaba aanu jirin, waxaanu yidhi “Jaamac markii xilka laga qaaday wuxuu ku dhawaaqay shir gole dhexe ah oo xarunta xisbiga ka dhici doona, oo maalinta Sabtida ee soo socota uu u muddeeyay, hadaba dhammaan xubnaha golaha dhexe waxaan ku wargelinayaa Jaamac in aanu aheyn guddoomiyihii golaha dhexe, isla markaana aanu xubin iyo golaha dhexe midnaba aanu aheyn, ee Jaamac laga saaray xisbigii iyo golihii dhexe, oo guddi fulineed oo go’aankaa lihi in ay go’aan ka gaadheen.

Sidaasi darteed waxaan ku wargelinayaa xubnaha golaha dhexe shir aynu ku ballansanahay oo deg deg ahi in aanu jirin, shirka golaha dhexe wakhti ayuu leeyahay haddii ay wax ka soo horumaraanna aniga oo ah guddoomiyihi ku meel gaadhka ahaa ee golaha ayaa idin soo wargelin doonaa, markaa shirkaasi uu Jaamac ku dhawaaqay waxba kama jiraan sabtiddana xarunta xisbiga leysugu iman maayo. Shir golaha dhexe oo sabtidda dhacayaana ma jiro”

Kulan ay yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa 30-kii bishii hore lagaga qaaday Jaamac Shabeel xilkii guddoomiyaha golaha dhexe iyo xubinnimadii golaha dhexeba.

Kulnakaa hoggaanka xisbigu yeeshay ayaana laga soo saaray war-saxaafadeed lagu shaaciyay xilka iyo xubinnimada golaha dhexe ee Jaamac Shabeel hoggaanka xisbigu ka qaaday isla markaana loogu doortay guddoomiye ku meelgaadh ah guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply