Shirkadda Sarovar Hotels oo Huteel Casri ah ka Dhisaysa Berbera

0
371

Berbera (Dawan)- Shirkadda leh Huteelo caalamka ku yaalla oo la yidhaahdo Sarovar Hotels, ayaa sheegtay inay Hudheel weyn oo casri ah ka dhisayso magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Siday werisay wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay qoraal shalay ka soo baxay shirkadda Sarovar Hotels oo xaqiijisay maadaama oo dhaqaalaha Somaliland uu korayo isla markaana la ballaadhinayo marsadda Berbera ay ka binaynayaan dekedda dhinaceeda Hudheel weyn oo ka koobnaan doona 123 makhsin oo iskugu jira qolalkii jiifka, kuwa shirarka, hudheel cunto iyo barkaddii dabaasha.

Waxa kale oo shirkaddu intaas ku dartay in Hudheelkan cusubi ee laga dhisayo Berbera uu dhammaystirmi doono sannadka 2020-ka, waxaana leh shirkad la yidhaahdo Upper Hill Hotel.

Agaasimaha maamulka ee shirkadda Sarovar Hotels Mr. Ajaay Bakaaya, ayaa caddeeyey in ay soo badanayaan fursadaha ka jira qaaradda Afrika, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin inay hudheel ballaadhan oo anfici doona dadka socotada ah ay ku soo kordhinayaan magaalada Berbera.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply