Booliska oo lagu Tababaray la Socodka Xogta Sumadda Cusub ee Gaadiidka

0
361

Hargeysa (Dawan)- Tobabar ku saabsan xogta iyo xirfada Sumadda cusub ee gadiidka Somaliland ayaa shalay lagu qabtay jaamacada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen laamaha ammaanka ee kala duwan.

Shirkan oo ay joob-joog ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska ayaa lagaga hadlay sidii ay iskula jaanqaadi lahayeen ciidanka ilaalada waddooyinka iyo xogta ku duugan sumada cusub ee gadiidka .

Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdilaahi Abokor, ayaa sheegay in tababarkan ay ka codsadeen ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan ciidanka ilaalida waddooyinka, waxaanu xusay in ay muhiim tahay in ciidanku kala barto xogta sumada cusub ee gadiidka Somaliland, si aanay ugu khaldamin haddii la sameeyo sumad la mid ah oo foojari ah.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tobabarkan waxa sabab u ahaa codsi ka yimi ciidanka booliska, maadama oo aynu bedelnay sumaddii gadiidka. sumadu waxa ay wax badan ka caawinaysaa shaqadiina.

Markaa in aad aqoon u yeelataan waxa aan isleeyahay waa arrin daruuriya, sumadan waxa ku jirta sir ammaan oo ay muhiim tahay in aad ogaatan si aan uga fogaano iyada oo foojari ah.”

Taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska Somaliland, Sarreeyo guuto Daahir Cali Wacays oo madasha tobabarka ka hadlay ayaa sheegay in ciiidanka looga baahan yahay in ay la jaanqaadaan isbedelada cusub iyo xogaha qarsoon ee ku duugan summada gaadiidka, waxaanu yidhi “Wasaaraddu wixii aanu uga baahnno ayay inaga caawinaysaa, laakiin cidda hawsha gacanta la gelaysaa waa inaga, sharciga baabuurta inta badan waxa la helaa dad aanu sharcigoodu dhammaystirnayn. Ganaaxa laga qaadana wuu yaryahay, markaa waxa muhiima in aynu dhab ahaan ula socono waxa is bedellay.”

Tobabarkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey ee loo furo ciidanka ilaalada waddooyinka tan iyo markii la keenay sumadda cusub ee lagu bedelay sumadii hore ee ay isticmaali jireen gadiidleyda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply