Luul Xasan Mataan oo ka Digtay Halista Ka Dhalan Karta Mustaqbalka Carruurta Derbi Jiifka ah

0
643

Hargaysa (Dawan):- Agaasimaha Xarunta Xannaanaynta iyo Dhaqancelinta Carruurta darbi jiifka ee Hargeysa iyo Boorama Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa ka digtay halis ka dhalan karta mustqabalka carruurta derbi jiifka ah, haddii aan looga gurman dayaca ay ku nool yihiin oo aan loo naxariisan.

Luul, waxa kale oo ay ka hadashay falal tuugo ah oo carruurta lagu xado iyo sida ay uga hawl galeen iyo carruur badan oo la soo xaday oo ay booliska iska kaashadeen soo qabashadooda isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen.

Waxa kale oo ay ka war bixisay carruur derbi jiif ahayd oo ay dhaqan celin ku sameeyeen oo ay wax bareen, ka dibna dib ula midoobay qoysaskoodii oo qaar badan oo ka mid ahi ay imika shaqeeyaan.

Marwo Luul oo waraysi gaar ah siisay wargaeyska Dawan, ayaa intaa raacisay talo ay u dirtay waalidiinta oo ay ku boorrisay in ay mar kasta ku dedaalaan in ay ka war hayaan ubadkooda oo ay ogaadaan hadba halka ay ku maqan yihiin si ay uga hor tagaan in carruurta la xado.

Marwo Luul oo ugu horrayn ka hadlaysa halis ka iman karta mustaqbalka carruurta darbi jiifka ah haddii la dayaco, ayaa tidhi “Waa dhibaato qaranka oo dhan u taalla oo dhammaanteen in aynu wax ka qabano ina wada sugaysa, ganacsatada ururada maxaliga ah iyo shacabkaba waxaa loo baahan yahay in aynu gacmaha is qabsano oo aynu ku dedaalno sidii loo daryeeli lahaa carruurta darbijiifka ah oo aan cidna lagu hallayn, waana carruur cuqdad ku koraysa oo la adeegsan karo oo la odhankaro adba cidi kaamay naxayn, markaa waa in aynu ku baraarugsanaanaa halis ka iman karta dayacnaantooda oo aynu ka hor tagnaa intaan cadaw adeegsan.”

Luul Xasan Mataan oo ka hadlaysay carruurta la xado iyo meelaha laga xado, ayaa tidhi.“Carruurta Somaliland laga xado Soomaaliya ayaa la geeyaa, carruurta laga soo xado Soomaaliyana waxaa la mariyaa Somaliland, gaar ahaan Wajaale si loo marin habaabiyo, carruur badan oo la xaday ayaan ku guulaysanay oo aanu helnay kuwo Jabuuti laga soo xaday, kuwo kililka shanaad iyo magaalada Jigjiga laga soo xaday waanu celinay iyo kuwo magaalooyinkeena laga soo xaday waanu ku guulaysanay. waxaana loo baahanyahay in waalidku feejignaan sameeyaan carruurtu way dayacan yihiin, waalidiintuna ma odhanayaan xagay ku maqanyihiin carruurtii, dumarkiina bariiskii carruurta ayay raadinayaan, waxaanan leeyahay carruurta ha laga warhayo, waxaanad mooddaa in ay soo yaraanayaan carruurta la xadayaa waana cudurkaa Tahriibka oo kale shaqo abuur ayaa laga samaystay oo dad ayaa lacag ku qaata oo carruurteenii iibinaya. waana budhcad carruureed isku xidhan oo maafiyo ah ciidanka booliska waanu ka wada hadalnay waanan ku guulaysanay carruuro badan oo la xaday in aanu soo badbaadino waana in askarta kaantaroolada joogtaa ilmaha gaadhi lagu sido baadhaan oo ay waydiiyaan ilmahan meesha uu ka soo jeedo.”

Luul Xasan Mataan waxa ay sheegtay in carruurta ay dhaqanta u sameeyaan ay u qaybsamaan carruurta agoonta ah iyo caruurta aabbaha iyo hooyadu ay kala tagaan.waxaanay tidhi “Hargaysa waxaanu ku leenahay Xarunta Xannaanaynta iyo Dhaqancelinta ee carruurta darbi jiifka xaruntii labaad ee darbijiifkana waxa dhismihiisu ka socdaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal,waxaana carruurta Darbijiifku u qaybsamaan carruurta agoonta ah carruurta aabbaha iyo hooyadu kala tagaan Carruurta danyarta ah oo baahidu dibedda usoo saartay iyo carruurta lagu shaqaysto ee biyaha ku dhaamiya dameeraha waana carruur Somaliland u dhalatay dhamaantood.”

Waxaanay intaa ku dartay oo ay sheegtay tirada carruurta ay dhaqan celinta u sameeyeen iyo muddadaay hayeen iyo inta ay dib ugu celiyeen qoysaskoodii oo qaar ka mid ahi ay shaqeeyaan hadda,waxaanay tidhi.“waxaanu xaraynay 350 Ciyaal ah oo darbijiif ah labo sano ka bacdi markii daroogadii ka baxday ee aanu wax barnay aanu dib ugu celinay carruurtaa eheladoodii oo iskugu jira 130 ciyaal ah oo 33 gabdho yihiin , oo ka badbaaday xabagtii iyo daroogadii oo iskuullo dhigta qaarna dirawaliin ayay noqdeen qaarna laydhka ayay ka shaqeeyaan qaarna farsamada gacanta ayay ka shaqeeyaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply