“Somaliland Waxay Naawilaysaa in ay Noqoto Marinka ugu Muhiimsan Bariga iyo Badhtamaha Afrika” Wargeyska The National

0
708

Abu Dhabi (Dawan)- Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa falanqeeyey kaalinta Imaaraadku ku leeyahay nabadeynta iyo maalgashiga Geeska Afrika.

Warbixintaas oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Charlie Mitchel, waxa soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaana lagu sharraxay dedaaladii diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee sannadkan 2018ka ay sameysay dowladda Imaaraadka Carabta oo xoojisay doorkeeda ku wajahan mandaqada Geeska Afrika.

Waxa warbixintu xaqiijisay in dawladda Abu Dhabi ay ugu yaboohday 2.99 Bilyan oo doolar dowladda Rasal Wasaare Abiy Axmed. Waxa kale oo Xukuumadaha Imaaraadka iyo Sucuudigu ay ka shaqeeyeen heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Eriteriya oo lagu soo afjaray colaad 20 sannadood u dhexaysay labadaas dal.

Wargeyska The National wuxuu intaas ku daray in Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay ka hawlgasho dekedda halbowlaha ah ee Berbera oo Itoobiyana ay ku leedahay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%), isla markaana ay Somaliland naawilayso inay noqoto marinka ugu muhiimsan ee dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale, waxa warbixinta joornaalka The National lagu caddeeyey in Shirkadda DP World ay 100 Milyan oo doolar ku maalgelinayso jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo soohdin u ah Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ku dooday warsiduhu in dhismaha jidkaasi uu caddeyn u yahay galaan-galka dowladda Imaaraadku ku leedahay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National wuxuu xusay in Xukuumadda Imaaraadku ay si dhakhso ah u furi doonto saldhiga Millatari ee ay ku yeelaynso magaalo xeebeedda Berbera ee gobolka Saaxil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply