Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo Isu Maraya Dalal ku Yaalla Afrika

0
540

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha Mr. Wang Yi ayaa booqasho ku tagaya dalka Itoobiya todddobaadkan.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Booqashada Wasiirka Arrimaha dibadda Shiinuhu ay ka dhalatay Martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhigiisa Itoobiya Mr. Workneh Gebeyehu.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha ayaa caddeeyey in socdaalka Wasiirkooda Arrimaha dibaddu ku tagayo Addisababa ay la xidhiidho sidii loo xoojin lahaa ganacsiga Shiinuhu la leeyahay Itoobiya iyo guud ahaan horumarinta cilaaqaadka ay la yeelanayaan dalalka Afrika.

Warku wuxuu intaas ku daray in Weftiga sare ee ka socda Shiinuhu ay booqasho ku tagi doonaan muddada ay Itoobiya ku sugan yihiin xarunta midowga Afrika oo ku taalla Addisababa, waxa kaloo Wasiirka Arrimaha diabdda Shiinuhu uu booqashadiisa Itoobiya ka dib u boqooli doonaa dalalka Burkiino faaso, Gaambiya iyo Sinigaal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply