Guddoomiyaha Sanaag oo Soo Dhaweeyay Ciidan ka Soo Goostay Fallaagada Qardho

0
761

Ceerigaabo(Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) iyo madaxda taliska Ciidanka qaranka ee gobolkaSanaag,ayaa wada jir u soodhaweeyay ciidan kasoo goostay fallaagada dibad joogga ah  uu hor joogaha  u yahay Caarre eek u sugan deegaanka Qardho ee Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlayay ciidanka dib ugu soo noqday dalkooda hooyo,ayaa  sheegay in caaqilku uu ku ammaanan yahay in uu ciidankaasi markii ay Puntland joogeen in uu Somaliland ku hayay markii meeshaa wax kale kaga soo baxayna in uu ka soo dhaqaajiyay.waxaanu yidhi Goddoomiye Tiimbaro. “horta caaqilku wuxuu ku ammaanan yahay markii uu halkaa idinla joogayna Somaliland ayuu idinku hayay markii meeshii wax kale kaga soo bexeenna wuu ka soo dhaqaajiyay,wax waddaniyadda lagu doorsadaana ma jiraan,meel kale oo qfka qarin karta oo uu ku noolaan karaana ma jirto, halkanna la idinku soo dhawayn maayo oo meel aydaan garanayn maydaan iman ee gurigiinii ayaad timaadeen oo aad ku soo noqoteen,waxaad isugu jirtaan ciidan iyoshicib,waxaa ballan ah wixii ciidan ah in ninkastaaba uu ku noqdo ciidankiisii,wixii shicib ah intii shaqaale dawladeed ahayd waxaanu  la raadinaynaa shaqadiisii wixii doonaya in la ciidameeyana diyaar ayaan u nahay.wax kasta oo aanu idinla qaban karnana diyaar ayaan idiinla nahay dhanka xukuumaddana wax kasta oo aynu ka doonayno waan ka wada doonanaynaa oo waynu u tegaynaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Waxaa  kale oo isna halkaa ka hadlay Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed,waxaanu yidhi. “waxaynu isugu nimi soo dhawaynta ciidan ka yimi dhanka Qardho oo kamid ahaa jabhaddii halkaa joogtay oo ka soo  goostay jabhaddaas,una soo noqday dalkoodii ka dib dhibaatooyin  ay halkaa kala kulmeen goostayna in ay dalkooda iyo dadkooda la midoobaan,dhanka dawladdana waxaan ka rejaynaynaa in raggaa la soo dhaweeyo waxna lala qabto.”

Waxaa kale oo soo dhawayntaa ka hadlay madaxda ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag oo dhallinyarada dib uga soo noqotay fallaagada Qardho ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno u hadlay ciidanka fallaagada ka soo goostay oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda dib ugu soo noqdaan oo ay ka soo noqdaan dibed joognimadii.

Dhinaca kale waxaa jira ciidamo kale oo iyaguna kasoo goostay fallaagada Qardho oo  isla dorraad lagu soo dhaweeyay deegaanka Goor oo ka tirsan gobolka Sanaag halka 40-kadhallinyarada ah ee badhasaabku soo dhaweeyayna lagu qaabilay deegaanka Tararweyne ee Degmada Ceel-afweyn iyadoo guddoomiye Tiimbaro uu sheegay in dhammaan ciidamada ka soo noqday fikirkii qaldanaa ee fallaagada Caarre ee Qardho dibed joogga ku ah in ay helayaan xuquuqda ay dalka ku leeyihiin iyagana laga rabo  fulinta waajibaadka qaranku ku leeyahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply