“Guurtidu Xul ayey ku Imanayaan ee Xeer Kuma Imanayaan “Siyaasi Cabdillaahi Dheere

0
772

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) ayaa sheegay in mudanayaasha golaha guurtiddu aaney ku imaneyn hab xisbi ee ay ku imanayaan hab xulasho.

Waxaanu siyaasi Cabdillaahi xusay in arrinka kaliya ee ay taasi ku hirgaleysana ay tahay iyadda oo madax dhaqameedka loo helo xeer dabraya waxaanu sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay kulan wada tashi iyo xog-ururina oo ku saabsana sidii loo aasaasilahaa xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha guurtidda Somaliland oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

“Waxaa la doonayaa in waxyaabo badan la eego, haddii arrinka aad qabaneyso miisaamina natiijadiisa danbe iyo waxaa uu dhali doono aanad ka fikirin waad guul dareysaneysaa, sidaasi darteed guurtidu ku iman meyso hab xisbi ee waala xulanayaa, xul ayay ku imeyneysaa qiimeyn ayay ku imaneysaa, qaybaha bulshada kuwa ugu mudakarsan ayay ka imaneysa, waxaa ay ku imaneysay iyo xeerkii ay ku iman laheydna waa in la diyaariyaa” ayuu yidhi.

Dhanka kale waxaa uu siyaasi Cabdillaahi Dheere farta ku fiiqay sida ugu dhibta yar ee ay arrintan soo xulista mudanayaasha golaha guurtidu ay ku suurtagali karto waxaanu yidhi “Yaa keenayaba hadaba? madax dhaqameedkii madaxa ayay wada duubteen reerkii caaqilka kaliya lahaa toban ayuu leeyahay, oo maanta reerihii magtii ayay iska bixin kari laayihiin, marka hore waa in salaadiinta iyo cuqaasha xeerkii lagu xadidayay, hadii lagu guuleysto xeerka madax dhaqameedka golaha guurtida xulistooduna si dhib yar ayay ku imanayaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply