Gobolka Sanaag Oo Laga Hirgeliyey Dhaamam Waaweyn.

0
876

Ceerigaabo(Dawan)Masuuliyiin ka socotay Hay’adda horumarinta  Biyaha Somaliland ayaa kormeer ku tegey mashaariic horumarineed oo laga hirgelinaayo degaanadda Fiqi Fuliye  ee koonfurta gobolka Sanaag.

Mashaariicdan ayaa u badan Dhaamam waaweyn oo uu hirgelinaayo Sanduuqa Horumarinta ee SDF , kuwaas oo loogu talo galay in biyaha gala ay ka faa’idaystaan dadka degaanaddaasi muddo laba sanno ah .

Masuuliyiinta goobtan booqday oo uu hogaaminaayey madaxa sanduuqa SDF Maxamed Faarax Cabdi iyo agaasimaha maaraynta Biyo Fidinta wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo masuuliyin kale, iyaga oo ka warbixiyey mashaariicdan oo ay sheegeen in dad badani ka faa’idaysan doonaan Dhaamamkan .

Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkan.

Leave a Reply