Laascaanood: Guryo Waddo Gashay oo La Dumiyay

0
699

Hargeysa(Dawan)-Wasaaradda Hawlaha Guud , Guryeynta iyo Dhulka oo kaashanaysa dawladda Hoose ee magaaladda Laascaanood ayaa hawlgalo ay saaka ka bilawday magaalada Laascaanood barrigeeda waxay ku dumisay guryo  halkaasi ku yaaley oo ay kusoo beegmeen waddooyin laga  samaynayo magaaladaasi

Maayirka degmada Laascaanood  iyo xoghayaha dawladda Hoose ee magaaladda Laascaanood  oo ka warbixiyey hawlaha mashruuca Dib u qaabaytan dhismaha magaaladda Laascaanood  iyo dhismeyaasha ay saaka dumiyeen ayaa sheegay in  guryahan ay wadooyinku kusoo beegmeen ee saaka la dumiyey ay lahaayeen qaar kamid ah shacabka magalaadda Laascaanood, kuwaas oo haneeyey, soona dhoweeyey qorshaha lagu hagaajinaayo  Qaab dhismeedka magaaladda Laascaanood .

Masuuliyiinta dawladda Hoose iyo degmada Laascaanood ayaa uga mahadceliyey shacabka magaaladda Laascaanood , sida ay ugu garab istaageen in mashruucan Hagaajinta qaab dhismeedka magaaladda Laascaanood uu fulo .

Waxa kale oo ay maamulka dawladda Hoose iyo degmada Laascaanood sheegeen in loo sinaan doon sharciga, cid walba oo ay kusoo hagaagaan wadooyinka laga saaraayo magalaadda Laascaanoodna ay cadaalad heli doonaan derejo kasta oo ay haystaan.

Leave a Reply