Dhismaha Masaajidka Nasru-Diin ee Xaafada Daami oo Si Rasmiya loo Bilaabay

0
524

Hargeysa (Dawan) Gudida gacanta ku heysa dhismaha iyo dib u habeynta masaajidka Nasru-diin ee xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in badi ay soo gaadhay lacagtii lagu qiimeeyay bineynta masaajidkaasi, hase ahaate ay badh ka dhiman yihiin, waxaaney bulshada Muslimiinta ah ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan soo dhameystirka inta ka dhiman.

Masaaidkani oo muddo badan dhisnaa baahi timid darteed waxaa leysla qaatay in laga dhigo laba dabaq, waxaanu ka mid yahay masaajidadii ugu horeeyay ee laga dhiso magaalada Hargeysa mar horena dib u dhis lagu sameeyay, waxaana lagu qandaraasay lacag dhan laba boqol iyo sodon kun oo dollar, waxaaney gudidu u mahad naqeen cidkasta oo ka qayb qaadatay lacagta dib u dhiska iyo casriyeynta loogu sameynayo masaajidkani.

Iimaamka masaajidka Nasru-Diin ee xaafadda Daami Sheekh Maxamed Axmed Aadan ayaa ugu horeyn bulshada ugu baaqay ka soo qayb qaadashadda inta ka dhiman dib u habeynta iyo dayactirka masaajidkaasi waxaanu yidh “ILLAAHEY mahadii waxaa bilaabmay dhagax-dhigii masaajidka oo Sagbadii ayaa la shubayaa, dhismaha masaajidkani waxaa uu noqon doona laba boqol iyo sodon kun oo dollar, ILLAAHEY mahadii umadda Soomaaliyeed markii aanu baaq u dirnay waxaa ay na soo gaadhsiisay ka gudi ahaan lacag dhan, boqol iyo shan iyo todobaatan kun oo dollar, waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba ka codsaneynaa umadda Soomaaliyeed dibad iyo gudaba inay ka soo qayb qaataan tabarucaadka masjidkaa, waxaa furan inuu qofku uu keeno lacag, waxaa kale oo banaan inuu qofku keeno agab, haday tahay Sibidh, Laban, Ciid, Garaa’id iyo wax kasta oo gali kara dhismaha masaajidkani sadaqana waxaa ugu qiimo badan oo u fadli badan taa Hoyga ILLAAHEY kuu galeysa ee kuu soconeynaa”

Sidoo kale Sheekh Maxamed Axmed waxaa uu u mahad celiyay cidkasta oo ka soo qayb qaadatay dhismaha masaajidkaasi waxaanu yidhi “Waxaanu halkan duco uga dirayna cidkasta oo ka qayb qaadatay af iyo adinba, Sheekheena weyn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo garab weyn na siiyay isa ILLAAHEY danbigiisa ha dhaafo, waxaanan iyagana ilaawi karin walaalahayagii Muslimiinta ahaa ee baaqayagii ka soo jawaabay oo aanan halkan ku soo koobi karin”

“Sidaasi Sheekhu sheegay boqol iyo shan iyo todobaatan kun oo dollar ayaa noo soo xarooday laba boqol iyo sodon kun oo dollarna waa lagu qandaraasay konton kun ayaa noo dhiman INSHA ALLAH waxaanu rajeyna masaajidkii hada bilow hadii ALLE yidhaaho inta uu masaajidku socdo in laga qayb qaato inta hadheyna” ayuu xildhibaan Jirde Siciid kana mid gudida gacanta ku heysa dhismaha masaajidkaasi

Dawannews Hageysa office

Leave a Reply