Duulimaadyo Caalamiya oo Diyaaraha Turkish Airways Iyo Kenya Airways Ka Bilaabi Doonaan Garoonka Cigaal Air Port

0
577

Hargaysa (Dawan) Maamulaha Madaarka Cigaal International Air Port ee Hargaysa Maxamed Xuseen Jaamac ayaa sheegay in dhawaan garoonka Cigaal International Air Port duulimaadyo Caalamiya ay ka bilaabi doonaan Diyaaraha Tukish Airways iyo Kenya AirWays.

Maxamed Xuseen Jaamac ayaa waxa uu intaasi ku daray in Bisha July iyo Bisha June ee Sannadkan 2019 ka ay Garoonka Cigaal Air Port ay ka soo dageen dadkii ugu faraha badnaa ee yimid Somaliland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in madaarka ay ka dhoofeen bishan xujaajtii ugu badnad ee soo gudanaya waajibaadka xajka.

Maxamed Xuseen Jaamac oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bilaha June iyo July waa marka uu ugu mashquulka badan yahay madaarka Cigaal Air Port waxaana sannadkan ka soo dagay madaarka dadkii ugu faraha badnaa ee yimid Somaliland, waxaana madaarka ka dhoofay Xujaajtii ugu badnad ee soo gudanaya waajibaadka Xajka waxaana Xujaajta kala qaaday saddex shirkadood waxaana kala yihiin FLY Dubai oo qaadaysa 150 qof oo Xujaaja Al Carabia oo qaadaysa 167 qof oo xujaaja iyo Daalo Airline oo qaadaysa 126 qof oo Xujaaja. Waxaana aanu u shaqaynayaa qaabkii ugu hagaagsanaa haday xaga amniga tahay iyo haday xaga adeega tahayba waxaana madaarka Cigaal International ka hawlgala shirkado iyo Hay’ado farobadan intuba waxa ay heegan u yihiin in ay u adeegaan dadka ka dhoofaya madaarka iyo kuwa ka soo dagaya”.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Jaamac waxa uu sheegay in duulimaadyo cusub oo caalamiya ay garoonka Cigaal Air Port ka bilaabmi doonaan. waxaana uu yidhi “Waxa duulimaadyo Caalamiya ka bilaabi doona garoonka diyaaraha ee Cigaal International ee Air Port Diyaaraha Turkish Airline iyo Kenya Airline o caalamiya, waxa kale oo Madaarka ku soo kordhinay intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi meelaha diyaaraduhu isku dhaafaan awal waxaynu lahayn meel qudha oo diraaraduhu isku dhaafaan oo diyaaraduhu isa sugi jireen inta diyaarada kale soo dagayso imika iyadoo diyaaradi soo dagtay ayay diyaarada kalena waydaaranaysaa oo ka duulaysaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply