Guryo Waddo ku Hagaagtay oo Lagu Dumiyey Laascaanood

0
525

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dhulka mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi oo kaashanaysa dawladda Hoose ee magaaladda Laascaanood ayaa hawlgalo ay ka bilawday magaalada Laascaanood barrigeeda waxay ku dumisay guryo halkaasi ku yaaley oo ay ku soo beegmeen waddooyin laga samaynayo magaaladaasi

Maayirka degmada Laascaanood iyo xoghayaha dawladda Hoose ee magaaladda Laascaanood oo ka warbixiyey hawlaha mashruuca Dib u qaabaytan dhismaha magaaladda Laascaanood iyo dhismeyaasha ay dumiyeen ayaa sheegay in guryahan ay wadooyinku kusoo beegmeen ee la dumiyey ay lahaayeen qaar kamid ah shacabka magalaadda Laascaanood, kuwaas oo haneeyey, soona dhoweeyey qorshaha lagu hagaajinaayo Qaab dhismeedka magaaladda Laascaanood.

Masuuliyiinta dawladda Hoose iyo degmada Laascaanood ayaa uga mahadceliyey shacabka magaaladda Laascaanood, sida ay ugu garab istaageen in mashruucan Hagaajinta qaab dhismeedka magaaladda Laascaanood uu fulo.

Waxa kale oo ay maamulka dawladda Hoose iyo degmada Laascaanood sheegeen in loo sinaan doon sharciga, cid walba oo ay kusoo hagaagaan wadooyinka laga saaraayo magalaadda Laascaanoodna ay cadaalad heli doonaan derejo kasta oo ay haystaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply