“Waddada Hargeysa ilaa Wajaale Waxa ay Kamid Tahay Mashruuca Berbera Corridor “Wasiirka Gaadiidka

0
1294

Arabsiyo (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Cismaan Sheekh ayaa shalay kormeer ku tegey hab sami u socodka wadadka isku xidha Hargeysa illaa Kala Baydh taasi oo haatan maraysa magaallada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Wasiir Cabdillaahi Abokor iyo weftiga uu horkacayo oo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin heer degmo ee degmada Arabsiyo oo uu hoggaminayo guddoomiyaha degmada Arabsiyo Xamse Xaaji Xuseen iyo madax dhaqameedka deegaanku.

Wasiirka gaadiidka iyo horuamrinta jidadka Md. Cabdilaahi Abokor oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay ujeedada socdaalkooda isaga oo masuuliyinta deegaanka uga mahad naqay soodhawaynta lagu qaabilay

“Waxaanu idiinka mahad naqaynaa martiqaadka aad nagu marti qaadeen halkan iyo beertan quruxda badan leh. Runtii annagana [socdaalkayagu] waxa uu noo yahay uun waajib aanu gudan lahayn ayuun baanu immikana gudanaynaa. Annaga ka wasaarad ahaan iyo Cabdirisaaq-ba Mulkiilaha shirkada dhisaysa wadada ee Cumaani] wadadan hore ayaanu uga qayb qaadanay immikana waanu ka wada hadlaynay. Waxaa jira mashruuc kasta oo la qabanayaa wax buu raaciyaa la yidhaahdo adeega bulshada [Social Service], sidaasi oo ay tahayna intii karaankayaga ah waanu raacinaynaa”. ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor, waxaanu intaas ku ladhay mar uu ka hadlayay dayactir ay madaxda dhaqanka ee degeaanku sheegeen in loo baahan yahay in lagu sameeyo wadada Kala baydh illaa Wajaale

“Haddaan u soo noqdo Suldaanka [hadalkiisii] Kala Baydh iyo Wajaale, runtii mashruucaasi waa mid ballaadhan, waxaana uu ka qayb yahay mashruuca weyn ee Berbera Corridor. 18-kaaas Km waxaa laga dhigayaa wado cusub tan hore ee jirtayna sideeda ayay ahaan doontaa, wadadan cusubna waxaa laga dhigi doonaa mid meeqaamkeedu sarreeyo oo 11 mitir ah oo sida itoobiya wadooyinkeeda loo sameeyo ayaa loo samaynayaa dhagax baana hoosta lagaga soo dhisi doonaa. Waxaanan jecellahay inaan intaas idinku bushaareeyo oo aad maskaxda ku haysaan wax laga tagayaa ma jirto iyadoo qabyo ah”

Geesta kale waxaa iyaguna halkaasi kahalday masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda madaxtooyada, Maareeyaha Wakaalada Wadooyinka JSL iyo guddoomiyaha degmada Arabsiyo, oo iyaguna ku dheeraaday muhiimad ay leedahay waddadani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply