WEEDHA WARGEYSKA Mareegaha Sii Shididda Dabka Ka Oogan Ceel Afweyn

0
48

Laga soo bilaabo marxaladihii ugu dembeeyey ee Xukuumaddii uu hoggaaminayey Mudane Axmad Siilaanyo, waxa Qaranka iyo shacbiga reer Somaliland ku noqdeen arrimaha foosha xun ee sida fawaaxishka uga soo cusboonaanaya degaanka Ceel Aafweyn bar madow, waxase isweydiintu tahay meeshaa waxa ka socdaa ma dagaalladii beelaha dhex-mari jirey ee la yiqiin xalkooda iyo jidka loo marayaba, mise waa mid gacmo siyaasadeed ah?

Arrintii hore uga taagneyd Ceel Afweyn ee u dhaxeysay labada beelood ee isku deegaanka ahi, halkeedii ayey ka sii socotay, markuu xilka hoggaaminta dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxayna Xukuumadda hadda talada dalka haysaa iskugu geysay awooddeeda sidii ay si nabada qaba ugu soo xidhi lahayd albaabada xurguftii colaadeed ee kolba ka soo cusboonaaneysay deegaankaasi. 

Xukuumadda JSL waxay dadaal badan iyo dhaqaaleba gelisay sidii ay dalka oo dhan uga soo ururrin lahayd cid kasta oo magac iyo meeqaam ku dhex leh shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland hadday yihiin kuwa xagga Diinta, Dhaqanka ama siyaasadda ah, waxayna ku guuleysatay inay isu keento ergooyin tiradoodu dhammeyd lixdan.

Ergooyinka tiradaa lahaa waxay isugu jireen Culimada Diinta Islaamka ee dalka kuwooda ugu magaca dheer, sidoo kale Madax-dhaqameed ka kooban Boqorro, Salaadiin, Ugaasyo, Cuqaal, iyo Odayaal ka mida waxgaradka dalka oo ka soo kala jeeday dhammaan Gobollada dalka.

Waxa ay toos u tageen dhammaan ergooyinkii laga kala keenay Gobolladu Degmada Ceel Afweyn, waxayna markiiba isugu yeedheen labadii dhinac oo ay ku wargeliyeen inay u socdaan heshiisiintooda, taasoo ay oggolaadeen labadii dhinac ee khilaafku u dhaxeeyey, iyagoo isla markaana hortooda ka caddeeyey inay raali ka yihiin dhexdhexaadintooda, si niyadsami ahna u guddoomayaan, una qaadanayaan go’aannada ay ka soo saareen arrinta dhexdooda taal.

Dhinacyadii laga dhaariyey labada geesood markay ergadu ka dhegeysteen mid kastaba waxa dhiba ee uu dhinaca kale ka sheeganayo, sidoo kalena ergadu dhegeysatay ama heshay xogo kale oo dhexdhexaad ka ah labada dhinac, waxay soo saareen go’aano markii lays horfadhiyey ay labadii geesood ee is-hayeyba ku qanceen, taasoo ay sidoo kalena kuwada farxeen dhammaan shacbiga reer Somaliland.

Sidu sidii maaha, ayaa dhacday oo kasoo yeedhay cid kasta oo jecel nabadda, jiritaanka Qaranimada iyo wada noolaanshaha dadka reer Somaliland, kadib markii la dumiyey derbigii adkaa ee sheekh iyo shariifba isugu tageen ee la is-lahaa waa kala dhex dhigay labada dhinaca, waxana si isku mid ah dadka badankiisu u qaateen, haatana qabaan hal dareen oo ah, in arrinta Ceel-afweyn ku jiraan gacmo siyaasadeed oo la damacsan yahay in lagu shirqoolo dawladnimada Somaliland.

Gacmaha siyaasadeed ee ka hawlgala Deegaannada C/afweyn ee nabadda iyo hurdadaba u diiday shacbiga iyo Ciidammada ku sugan jiiddaasba, waa gacmo shisheeye oo adeegsanaya kuwa ku jira gudaha Somaliland oo keliya wax ka arka dhuuntooda iyo qaar kale oo ka madhan xikmadaha siyaasadda dunida oo u maleynaya, in dhiigga dadka walaallaha ah ee laysku garaacayaa guul gaadhsiinayo.

Mucaaridka, gaar ahaana Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo mar kasta oo wax laga weydiiyo arrinta C/afweyn, halkii laga sugayey inuu talo fiican oo arrintaa wax ka taraysa hadduu hayo usoo jeediyo Xukuumadda ama kuwa dhexdooda laysku dilayo, ayaa waxa uu makarafoonnada la soo fadhiistaa Xukuumaddaa ku fashilantay iyo hadallo kale oo aan munaasib ku ahayn qof mas’uul heer Qaran ah. 

Guddoomiye Cirro maanta ayey guuli ugu dhaweyd, haseahaatee muu garan oo wuu gees maray, kadib markuu xataa hal eray oo waano ah u jeedin waayey ninka sarkaalka sheeganaya ee waqtigan la soo saftay Cadowga JSL. Horaa loo yidhi, (FULOW GUULI KUU HABBOONEYDAA) waa run ee u habbooneydaa in Cirro mar uun u guntado sidii uu dhinaciisa uga hawlgeli lahaa soo afjaridda colaadda C/afweyn iyo soo xereynta Sarkaalka urursaday koox jilibkiisa ah, si uu khalkhal u geliyo deganaashaha iyo xasiloonida dalka, waayo hadduu sidaa yeelo Cidna lama tartanteen Guddoomiye Cirro doorashada dembe, balse dariiqaa Illaahay ma waafajin inuu raaco.

Isku soo wada duub, maanta xaajada sidii caadada u ahayd uga soo cusboonaatay Jiidaha C/afweyn, waa mid u baahan in lagu eego aragti ka duwan oo ka fog khilaaf u dhexeeya laba beelood, waxayna u muuqataa inay tahay xaajada hadda inna hortaalaa mid aan sinaba uga maarmeyn in gacan bir ah lagu qabto wax kasta oo ay ku kaceysana aan looga waaban, maadaama ay soo gaadhay heer aanay jiri Karin waan-waan dembe oo lagu dayo xaajada Ceel Afweyn. 

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here