Arrimaha lagu qiimeeyo ama ay isku qiimeeyaan bani’aadanku, waxa ka mid ah oo mudnaanta kowaad la siiyaa waa sida uu ku yahay ballamaha la wada galo, ha ahaado qof, Kambani, Urur mid siyaasadeed ama samafal, Hoggaamiye dal ama dhaqan sida uu ku yahay heshiisyada lala galo. Ma yahay mid u fuliya oo uga soo baxa wixii lagu heshiiyey, mise waa mid aan laysku halleyn Karin oo midabo badan sida jirjirroolaha?
Haddaan soo qaadano qarnigan ugu dembeeyey, waxyaabaha laba dhinac ama ka badaniba isku khilaafaan ama isku mari waayaan, waxa sida badan u gurmada oo kala dhex gala xaaladahaas oo kale, cid si uun uga damqaneysa ama siyaabo kala duwan u daneynaya arrintaa deminteeda, ayaa guntiga u giijista, dadaal badana geliyey sidii ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyadaas, isla markaana heshiis buuxa uga dhex dhallin lahaayeen.
Marka dhinacyada is mari-waagu ka dhexeeyo layskugu keeno hal miis, ayuu halkaa mid walba ka dhiibtaa dooddiisa, iyadoo ay goob-goog ka yihiin ciddii dhexdhexaadineysay. Dhegeysiga doodahooda, ayaa cidda ku jirta dhexdhexaadintooda ku ogaadaan arrinta gun dhigga u ah khilaafkooda, dabadeedna taas ayey u raadiyaan xal labada dhinac ee is- haya dhex u ah, iyadoo qoraal ah ayey dhexdhexaadiyayaashu ka saxeexaan hoggaamiyayaasha labada geesood, iyana raaciyaan saxeexooda.
Arrin, marka sidaa lagu soo af-jaro waxa kaliya ee la dhawraa, waa sida uu waajibaadkaa muqaddaska ah uga soo baxo dhinac kastaa wixii qoraalka galay ee lagu heshiiyey, isla markaana lahaa marag iyo markhaatiba. Waxa aynu nahay ummad Muslin ah 100%[boqolkiiba boqol], ALLAH WEYN ee inna abuureyna, waxa uu inna faray, in ballanta aynu cid la galno uga soo baxno sida ay tahay, xataa hadduu gaal yahay ka aan ballanta la galnay, sidaa darteed ayey bulshadeenu u tidhaa [Ballan-darro waa Diin-darro.]
Waxaan uga socdaa oo aan idiinku soo qaddimay hordhacan, si aad u qiimeysaan, ugana gar-naqdaan warkii toddobaadkii hore kasoo yeedhay hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ee uu ku sheegay inuu ka baxay heshiiskii ay wada galeen saddexda Xisbi Qaran, goob-joogana ka ahaayeen xubno ka mida EU-da, gaar ahaan kuwa gacanta dhaqaale ka geysta qabsoomidda doorashooyinka JSL ee lagu soo gunaanaday heshiis ay qallinka kuwada duugeen Hoggaamiyayaasha Axsaabtu.
Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibedba mar allaale markay maqleen warka ah, in Saddexda Xisbi Qaran ee dalka ka dhisani ka heshiiyeen ismari-waagii dhexdooda ee qaabka qabashada doorashooyinka, ayey hal mar wada yidhaahdeen, [Al-XAMDU LILLAAH] waayo aad ayey ugu farxeen heshiiskooda, maadaama ay halkaa kaga dhammaadeen wararkii welwelkan badan ku hayey ee ku saabsanaa doorashooyinka.
Geesta kale, ma filayo inay jireen dad shaki ka qabay, in heshiiskaa loo dhammaa uu haddana ka bixi doono Hoggaamiye ka mid ah Saddexda Xisbi, haseyeeshee way dhacday oo waxa run noqday hadal uu hore u sheegay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ahaa, in Xisbiga Waddani haddii hadda la oggolaado shuruudaha uu wato uu haddana la iman doono qaar kale, waayo ma doonayo inay ka qabsoomaan dalka doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaannadu
Bal haddaba, Xisbiga Waddani markuu dalbaday kala dirista xubnaha Komishanka ee haddana ku gacan seydhay markay Xukuumadda iyo labada Xisbi ee kaleba ka aqbaleen cabashadoodii la xidhiidhay Komishanka doorashooyinka Qaranka ee haddana uu ka dhex hillaacay kordhintii xubnaha Komishanka ee Xisbiga UCID watay ee hore looga heshiiyey, ayuu imikana Xisbiga Waddani la soo hor fadhiistay shaashadaha Tv-yada,[ yeeli mayno qaraarka Golaha sharci dejinta [G/Wakiillada] oo Xukuumaddaa ka dembeysa, waana ka baxnay heshiiskii.]
BULSHOW, mar haddaanu Xisbiga Waddani fulineyn heshiisyada uu cid la galo ee weliba marag iyo markhaatiga leh, geesta kalena uu mar kastana la imanayo xujooyin cusub oo uu shuruud uga dhigayo qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada, miyaanay markaa caddaan ahayn inaanu dooneyn, diyaarna u ahayn XISBIGA WADDANI doorasho ka dhacda dalka?
Waxa sida dharaarta u muuqata oo ay xataa bulshadii Caalamka ee mar Guddoomiye Cirro kolba baaq u diri jiray ama u dusi jiray aragtaa inuu ballan-laawe yahay, isla markaana waxba ka xaaraan aheyn, halkaa marka uu taagan yahay xaal ee wax kastana Daahir yaa shamistaa yihiin, dadka inta muslimiinta dhabta, gaar ahaan Culimada dalka iyo inta kale ee waxgaradka reer Somaliland waajib ku ah inay iska qabtaan oo runta taabsiiyaan cidda dooneysa inay ku khamaarto masiirkooda Qaranimo, markaa ayeynu kheyrka adduun iyo aakhiraba heleynaa? Haddii kale xaalkeen waa xag walba u diid oo hee…………?
Dawannews Hargeysa office