Ma Tiro, Mise Tayo Waxbarasho, Labadaa Midkeen u Baahanahay

0
47

Waxa laysku waafaqay cilmi ahaan marka laga eego xagga siyaasadda Juqraafiga, in dunida hoggaankeeda ay gacanta ku qaban doonaan dadka ugu tirada badan, uguna aqoonta badan, balse xaqiiqo ahaan muddo badan may rumeysaneyn dalal faro badan oo isugu jiray kuwa dhinaca dhaqaalaha ka koray iyo kuwa kale ee dunida saddexaad loogu yeedho.

Bilowgii Qarnigan 21aad ayey dareemeen dalal wax is-bidi jiray oo ka mid ahaa kuwa ku soo hoggaaminayey dunida dhinacyada dhaqaale, aqoonta iyo awood Ciidanba, haseahaatee ay jireen dalal kale oo marka il-aqooneed lagu cabbiro ay ka dhineyd tayadii waxbarasho, balse lahaa cududdii tiro ee dadka ugu badan dunida, geesta kalena kuwa hoggaanka dunida si ku-meel gaadhka u hayey lagaga awood badnaa xaggii tirada dadka.

Sidaa darteed ay suurtagal tahay inay ka fara-maroojin doonaan awoodda hoggaanka talada adduunka, mar allaale markay kusoo dhadhawaadaan ama kala sinmaan xagga tayada waxbarashada dalalka ugu tirada badan caalamka oo kala ah Shiinaha iyo Indiya.

Muddo dheer oo dhawr qarni gaadheysa ayaa wax kasta oo ay soo farsameeyaan labadaa dal ee xagga tirada dadka ee dunida ku kala jira kaalinta kowaad ( Shiinaha ) iyo labaad aan laga baayici jirin seyladaha dunida, shey kasta ama wax kasta oo farsamadiisu xun tahayna tilmaan looga dhigi jiray labadaa dal, haseyeeshee yool ayey lahaayeen, tijaabooyin dhinacyo badan oo xagga waxbarashada farsamooyinka kala duwana way ku jiree, mar qudhana kumay niyad jabin dacaayadihii faraha badan ee dunida galbeedku ka faafin jireen waqtiyadii dheeraa ee ay soo kobcinayeen waxbarashadooda.

Maanta waxa aynu markhaati ka nahay in dalka Shiinuhu deyn ku leeyahay Mareykanka, isla markaana uu dhexdooda ka socdo dagaal dhaqaale oo xagga ganacsiga ah oo saameeyey dunida, taasna waxa uu Shiinuh kugu gaadhay tayadii axbarashada oo uu hormariyey iyo cududda dadkiisa ( Human resource ) badan oo sidaan kor ku soo sheegnay ay durba sida dharaarta ugu cadahay mid oggol iyo mid diiddanba, in Shiinuhu mar hadduu isku helay labadaa uu qabanayo waqti aan fogeyn hoggaanka talada dunida oo ah kaalinta ay hadda ku loolamayaan Mareykanka oo hore muddo dheer ku keliyeystay.

Horumar dhaqaale, farsamo, ciidan, cimilo iyo wax kasta oo kaleba waxa fure u ah in lagu dadaalo hagaajinta tayada waxbarashada, sidaa awgeed maanta uma baahna dalkeenu tiro waxbarasho ee waxa uu u ooman yahay tayo waxbarasho oo innaga qalloocatay waqtigii la furay dugsiyo ganacsi oo waxbarasho oo carruurta subaxiina gaadhi lagu sii qaado, duhurkiina lagu rawixiyo oo sida ay u dhaqmaan dalalka ka hodmay xagga dhaqaalaha iyo xagga tayada waxbarashadaba.

Dugsiyada ganacsiga waxbarashada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ka hawlgaleen dalka xilli si aad iyo aad ah ay u hooseysay awoodda dawladnimo. taas oo sababtay inay dalka ka furmaan dugsiyo Hoose/Dhexe/Sare iyo madarasadu tiro badan oo aan la eegin oon la imtixaamin cidda furaneysa aqoontiisa Maamul waxbarasho, tayada macallimiinta, manhajkooda waxbarasho, nooca direyska ee ardayda iyo waxyaabo kale oo badan oo ay ugu muhiimsan tahay, tirada fasal kasta la fadhiisin karo min dugsi hoose illaa sare.

Maadaama ay mulkiilayaasha dugsiyada gaarka ahi ka eegaan dhinaca dantooda dakhli oo keliya, waxa ay fasallada intooda badan ku xereeyaan boqol arday, gaar ahaan kuwa ardayda badani iska diiwaangeliyaan, iyaga oo aan ka fikirrin marka kowaad xagga caafimaadka iyo xagga tayada waxbarashada ardaygaba, waayo macallinku ma awoodo inuu fasal baqol arday ku jiraan uu gaadhsiiyo casharka uu siinayo sidii la laga rabay, xisadda uu usoo galeyna waxay ku dhammaataa kala aamusiintooda, maadaama uu ardayguna cadho ka qaadayo, qeyladiisana u sabab yihiin kuleylka iyo cidhiidhiga ka jira fasalka, iyadoo qaarkoodna inta uu naqasku qabto ay ku dhex suuxaan fasalka.

Haddaba, maanta waa la hayaa tiro ahaan marka laga eego Dugsiyada dalka ka furan iyo Jaamacadahaba, tirooyinka kumaankunka ah ee qallin-jebiyana waxan kala soconaa oo ka daawanaa shaashadaha Telefishannada, haddana iyagoo sidaa u badan way ku yar yihiin inta irbad iyo dun sameyn kartaa.

Sidaa darteed hadda tiro uma baahnin ee waxaynu u baahanahay inaan tayeyno waxbarashada dalka, taasna waxa ay ku iman kartaa keliya marka dib loogu noqdo hannaanka waxbarasho ee dugsiyada gaarka loo leeyahay oo laga soo reebo kooban oo loogu kormeero si joogto ah dhammaan shuruucda Waxbarasho ee ay dejisay ama dejinta doonto Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada.

Sidoo kale waa lagama maarmaan in la kordhiyo tirada dugsiyada dawladda iyo tayadooda xagga macallimiinta iyo maamulkoodaba, si looga maarmo dugsiyada ganacsiga Waxbarashada oo ah kuwa aanay dhaqaale ahaan dadka iyo dalkuba xilligan u lahayn awood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here