Khadar.M.Dhako.
Hargaysa(Dawan):-Gudida Qandaraasyada Qaranka ayaa shalay shaaciyay in shirkadda Allied DEVELOPMENT CONITRACTION ay ku guulaystay qalabka lagu dhisayo Buundooyinka waddada Ceerigaabo.
Munaasibad shalay lagu shaacinayay Shirkada ku guulaysatay Qalabka lagu dhisayo Buundooyinka waddada Ceerigaabo ayay ka soo qayb galeen Gudida Qandaraasyada Qaranka Mareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Masuuliyiinta Shirkada ALLIED DEVEPLOPMENT iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay Shirkadda ku guulaysatay dhismaha Buundooyinka waddada Ceerigaabo.waxaanu yidhi“Saaka(shalay) waxa aanu furnay tartankii lagu tartamayay qalabka loo doonayo waddada Ceerigaabo waxaana ku soo tartamayay laba shirkadood midi saaka way habsaantay manay iman wakhtigii loogu talo galay,waxaana ku soo tartantay Shirkada AllIED DEVELOPMENT CONISTRACTION oo ku guulaystay mashruucaa waddada Ceerigaabo ee qalabka loo doonayo,waxaanan Shirkada kula dardaarmaynaa in qalab tayo leh qaranka ay u keenaan.”.
Mareeyaha Hay,adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Axmed Maxamed Yusuf ayaa usoo jeediyay Shirkada ku guulaysatay Qandaraasyada Buundooyinka Waddada Ceerigaabo in ay keenaan qalab tayo leh.waxaana uu yidhi“Waxa aan aad iyo aad usoo dhawaynayaa shirkadda ku guulaysatay qalabka lagu dhisayo Buundooyinka waddada Ceerigaabo,waxaanan ka rejaynayaa in shaqadaa sidii loogu talo galay ay u qabato ugana soo baxdo,waxaanan u arkaa in si caddaalad ah oo xaqa uu u dhacday tartankani waana in shirkaddu qalab tayo leh iyo shaqo hufan ka fuliso wada Ceerigaabo.”.