Fiditaanka Islaamka ee Dalalka Geeska Afrika

0
629

Qormadii 2aad

Qore Abdi Aziz Khalaf

Waxa aanu ku xusnay qormadeenii hore sida Labadan deegaan ee geeska afrika iyo barrigga carbeed (Yaman iyo Xijaaz) waxa ay lahaayeen xidhiidh taariikheed oo aad u qota dheer ioyo dhinacyada ay iska shabahaan

3- Dadka ku nool deegamadan oo isku sinji ah.

Waxa ay culammadda dadka iyo isiradda ay ka soo jeedaan (anthropology) ay xusaan in qawmiyaddaha geeska afrika dega qaarkood sida Amxaaradda iyo tigrayga ay ka soo jeedaan samaatik oo ay isku sinji yihiin carabta gaar haan dadyawga ka soo jeeda yamantii hore,kuwaasi ay xusayaan taariikhyahanddii hore in ay qabiilka la odhan jiray “Jicsi” oo qabiil carabtii hore (reer Saba( ay u soo guureen deegaankan geeska afrika gaar ahaan dhinaca booralayda deegaanaddan wakhti ku siman heeladdi qarnigii shanaad (KDHNC) , waxa xusid mudan in farta afka ehtiobia ay ka soo jeedo fartii qabiilkan “Jicsiyiin” ee deegaamadan soo degay wakhtigaa an xusnay ahna fartii reer Saba iyo yamantii hore ay wax ku qori jireen. Sidoo kale waxa la haya raadad taariikheed oo xaqiijinaya guurida dadyawgan ay u soo guureen geeska afrika. Waxaana aan u sababeenayaa guuridan burburkii biya xihdheenkii Ma,rib ee nolosha deegaanka yamaneed waayahaa dhagaale badan iyo nolol wacan u keenay, iyadoo u keentay reer Saba ladnaansho iyo barwaaqo badan . Burburka biyo xidhiinka Ma,rib waxa keensaday in abaaro ku habsadaan iyo xaaluf deegaankaa sababayna gax iyo bara kac ay gaxeen reer Saba una gagxeen deegaanu fara badan oo ay ka mid ahayd deegankan geeska afrika , iyadoo dhacdadan ay ku xusantahay quraanka kariimka suuratu Saba:

4- Labada deegaan oo xihiidh ganacsi oo badan ka dhexeeyey.

Waxa quraaqa ibnu Hishaam oo taariikhad islaamka iyo siiradda nabigeena suuban qoray xusayaa in dhulka al-Xabasha ay ahay dhul ganacsiyeed una ahay carabtii quraysh suuq ay la ganacsadaan xiliyadii isklaamka ka hor . Waxaan ay ka soo iibsan jireen Xabasha Dahabka, Fool maroodiga,Hargaha,Baal gurayadda ,subaga , adoomaha iyo uduga.

Dhamaan arimahan aanu xusnay waxa ay fududeeyeen in xihdiidh quta dheer labadan deegaan uu dhex maro, xidhiidhkaasi oo mid ganacsi u badnaa xiliyada gaadhkoodna isku badeli jiray gulof culaadeed oo maamulada labada dhinac ay isku qaadaan .

Gulofyadda colaadeed ee labadan deegaan soo maray islaamka ka hor:

Maamuladda siyaasiga ee soo maray labdan deegaan waxa ay iska hor imaad iyo dagaalo dhex maray wakhtiyo dhawar ah waxa ay taariikhdu suxta in maamulka dawladii qadiimiga ahayd ee Saba ay xukumi jirtay deegaano ka mid ah geeska afrika sidoo kale waxa kutubta taariikhdu xustaa duulimaadyada ay qaadeen boqoradii xabashida ee Aksom (Axum) kuna qaadeen deegaanka yaman ,iyagoo ka faaidaystay jaahwareerka siyaasadeed ee ka taagnaa deegaanadaasi laga bilaabo qarnigii 1aad ee miilaadiga ka hor waxa sidoo kale xusid mudan in maamulka Aksom(Axum ) oo xukumi jiray deegaanu ka mida yaman xiliyadda . Iyadoo ay Maamuladda Yaman ka jiray ka hor dhalashadii nabi ciise naxariis alle kurkii ahaatee ay qabsadeen deegaanka geeska afrika wakhtiyada qaarkood siddi xiligii boqortooyadii Saba iyo ximyar.Halkaa waxa ka

Duulimaadka iyo gabsashadii Aksom ay ku gabsatay Yaman

Mid ka mid dagaaladii dhex maray maamulka Aksom iyo maamuladdi ka jiray Yaman wuxu ahaa duulimaadkii ay qaadeen reer Aksom qarnigii lixaad ee miilaadiga xiligaa oo uu xukumi jiray Aksom boqor la odhan jiray Kaalb in uu ciidan u diray deegaanka yaman si ay ula daqaalamaan boqorka Yaman xukumi jiray heeladdi qarnigii lixaad oo la odhan jiray Yusuf du Nawaas , iyada oo sababta duulimaadkaasi oo ahaa laynta oo laayey boqorka Ysusuf du Nawas masiixiyiintii ku noolayd deegaanka Najraan ee Yaman un laayay sababu diineed ( Waxa bogorada Yaman wakhtigaas romaysnaayeen diinta Yahuudiga ) , arintaasoo sababtay in bogoraddi Aksom ay hiilimaad diineed ugu duulaan Yaman ssandku marku ahaa 525 miilaadigii waxaanay ku guulaysteen in jabiyaan ciidankii bogorkii Yaman Du Nawas kuna dilaan dagaalkaas waxaana ka dhashay in Xabashidu ay xukumaan Yaman mudu ku siman 50 sano ilaa taariikhdu markay ahay 575 , waxa xusid mudan in wakhgtigaasi ahaa xiligii uu ku duulay boqorka xabashida ee yamana xukumi jiray oo la odhanjiray Abraha (Abraham) ku duulay kacbada kuna guul daraystay waana isla sanadkii oo dhashay nebi Maxamad (Naxariis iyo salaam kurkii ha ahaatee) taasoo quraanka karimak uu ku xusay suuratu Al-Fiil ,ka dib waxa kacdoon dadka reer Yamaneed sameeyeen taageerana ka heleen dawlada beershya (percia) ay ka guulaysteen xabashhida kana saareen yaman .

Halkaa waxa ka mooqata in labadan deegaan ay xidhiidh taariikheed oo dheer lahaayeen oo gaahdaya wakhtiyadii boqortooyinkii hore ee Saba’ waa ka hor dhalashadii nebi ciise (Naxariis kurkii ha ahaatee) .

Ereyga Xabasha iyo halka uu ka soo jeedo:

Waxa xusid mudan in ereygan Al- Xabash ay isticmaali jireen taariikhyahanadda Carbeed taasoo ay uga jeedeen deegaanka geeska Afrika iyadoo ay u celiyaan qabiiladii deganaa halkaa, iyadoo ay taariikhyahandda Giriiga ah ay u bixiyeen deegaankan Abyssinia halka Romaanka ay u bixiyeen Ehtiobia oo luuqadda Romaanka hore u dhigmaysay wajiga gubtay (una jeedeen madawga)

 

Leave a Reply