Wasiirro si Adag uga Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
475

“Ragga imika doobyayaa Xagay ka yimaadeen, goormay dalka yimaadeen, halkeebay joogeen markii…” Wasiirka Arrimaha Gudaha

 

Waxaan maqlayay hadalo shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ka soo baxayay oo dhabarjab ku ahaa Qaranka oo muujinayay calool xumo” Wasiir Gaafaadhi

 

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaadhaafi Cali, ayaa jawab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Murrashaxa Madaxwweyne ku Xigeenka Xisbiga Waddani oo taageero u muujiyay in jabhado dalka laga sameeyo.

Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo shalay hadal ka jeediyay Munaasibad lagu muunaynay Xuska Sannad guurada 24 aad ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa waxa ay sheegeen in ay dhabar jab ku yhiin Qaranka Somaliland hadaladii laga jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ee lagu qabtay magaalada Burco, waxaana ay intaasi ku dareen in Hoggaanka xisbiga Waddani aanay xogogaal u ahayn u maraxaladihii dalku soo maray.

Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayay hadaladaa ka soo yeedhay Hoggaanka xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Ragag imika Somaliland doobyayaa Xagay ka yimaadeen, goormay yimaadeen dalka, halkeebay joogeen markii Beelaha Somaliland ay ilaa Sanaag Bari, Sool, Awdal iyo Salal ay shirarka iskugu imanayeen. Raggaasi xagay joogeen. Masiibooyin aan inoo dhawayn ayay inoo saadinayeen, in jabhado la noqdo, in qabaa’il la kala noqdo oo gobolo la kala noqdo ayay inoo saadinayaan.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Haddii ay Somaliland burburto oo reero noqoto talaw iyagu xagay ku noolaanayaan, ninkan Madaxweyne ku Xigeenka u sharraxani xaguu ku noolaanayaa. Madaxda xisbiga Waddani xagay ku noolaanayaan. Waa laga yaabaa in ay tabashooyin jiraan, laakiin waxa aanu leenahay danta Somaliland kuma jirto arimaha qaarkood”.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somalilnad, Xasan Gaadhaafi Cali ayaa waxa uu sheegay in hadaladii laga jeediyay shirkii Golaha dhexe xisbiga Waddani ay muujinaysay calool xumo iyo niyadxumo. waxaana uu yidhi “Waxa aan maqlayay hadalo shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ka soo baxayay oo moodo in ay dhabarjab ku yihiin Qaranka Somaliland oo muujinayay calool xumo iyo niyad xumo, waxa ay meesha ay ku qorteen iyo waxa meesha laga lahaa aad ayay u kala fogaayeen, aad iyo aad ayaan uga naxay wax yidiidilo ah oo meeshaa ka muuqday ma jirin.

Waa ka mid ah waxyaabaha la yaabka leh, waxa ay yidhaahdeen Xukuumadda siyaasadeeda Arimaha dibadu waa fadhiid, waa madhalays, waxa aan la yaabsanahay xagay ku maqnaayeen markay safarada qaarkood ay Dawladahu ay xidhiidhka isu goynayeen, ma waxa ay odhan karnaa waa madhalays, mise waa safar midho-dhalay, waana in uu is xisaabiyaa ninkasta oo xil soo qabtay oo maanta xil hunguri ka hayaa, horta waa in uu is xisaabiyaa, waxa wax lagu helayaa waa wanaag iyo wadajir iyo in wax wanaagsan la sheego”.

Leave a Reply