“Sanadkan 2019-ka Waxaanu ku Astaysanay Sannadka Horumarka iyo Is-dhexgalka Bulshada” Badhasaabka Gobolka Sool

0
461

Guddoomiyaha Sool oo sheegay in Mashaariic badani ka socoto gobolka

 

 

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in isbedel weyn oo dhinaca nabadgeliyadda ah uu ka muuqdo guud ahaanba xaaladda gobolkaasi gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in marka la bar-bar dhigo amniga gobolka ee sanadihii hore iyo imika uu faraq weyn u dhexeeyo, isla markaana wakhtigan ay meel aad u wanaagsan marayso.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in inkastoo ay jiraan duruufo uu gobolka Sool kaga duwan yahay goboladda kale ee Somaliland hadana ay ku dedaaleen sidii loo xasilin lahaa amniga gobolka.

“Guud ahaanba xaaladda nabadgeliyo iyo siyaasadeed ee gobolka Sool uu ku sugan yahay, waa mid xasiloon iyo amni ah, oo la taaban karo. Sanadkan 2019-ka gobolka Sool waxaa kor u kacay horumarkiisa.

Dadku waxay ku tartamayaan, dhismeyaasha, waxbarashadda, caafimaadka iyo ganacsiga. Amniga magaaladda Laascaanod waa mid la isku halayn karo, haddii aad habeenkii xataa socoto wax dhibaato ahi ma jiraan” ayuu yidhi badhasaabka Sool oo la hadlay Bulsho TV.

Badhasaabka oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Gobolkan Sool duruufo ayaa u dheer goboladda kale ee Somaliland oo uu kaga duwan yahay, oo wuxuu ku yaallaa darafka Somaliland ee dhinaca Koonfur bari.

Waxaanan jaar la nahay Soomaaliya, oo dibin-daabyooyin fara badan u haysa qaranka Somaliland, oo aan raali ka ahayn quruxda iyo horumarka ay Somaliland gaadhay.

Iyadoo duruufahaasi ku xeeran yihiin, ama xasaraddo qabaa’il ku salaysan ama dad dadka gobolkan u nasab sheegtaa ay jaar la yihiin, oo aan raali ka ahayn horumarka Somaliland, hadana dadka reer Sool arrimahaas oo dhan way u adkaysteen, Dhegaha ayaanay ka furaysteen. Dadka reer Sool way arkeen in aanu jirin wax maanta u dhaama Somaliland”.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa madaxweynaha Somaliland uu xilkaas badhasaabnimo u magacaabay bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaanu xilka la wareegay bishii January ee sanadkan.

Waxaanay markaas ku soo beegantay xiligii uu socday ololihii doorashadda doorashaddii madaxtooyadda maamulka Puntland.taasoo ololaheedu saamayn ku yeeshay gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka Soo loo ka hadlayay tallaabooyinkii ay arrintaa kaga gaashaanteen, waxa uu yidhi “Waxaanka hawl galay sidii aanay dadku buuq iyo dhibaato u geleen. Waxaanan ku guulaystay in mudaharaadyadii Garoowe laga soo abaabuli jiray, in aanay halkan (Laascaanood) ka dhicin.

Qorsheyaashaas Garoowe laga soo abaabuli jiray oo keeni jiray in dhalinyaradda la kiciyo. Taasina ma dhicin oo waan ka hor tagnay”.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in tallaabooyinka dhinaca amniga ah ee uu ku guulaystay ay u saamaxday isagoo wada tashiyo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka.

Waxaanu yidhi “In gobolku nabad noqdo, waxaa ii saamaxay laba qodob. Ta hore waa qadarka ILLLAAHAY SWT. Ta labaadna waxay tahay, bulshadda gobolka Sool oo I soo dhawaysay, oo aad iila shaqaysay.

Waxaanan la tashaday culimadda gobolka, cuqaasha, odayaasha, dhalinyaradda, iyo aqoon yahanka. Waxa kaloon la tashaday ganacsatadda, isimadda gobolka.

Sidaas darteed markii aan ra’yigoodda urursaday qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxay igu garab galeen sidii hab-dhaqanka bulshadda aan u dhex geli lahaa, ummadana lagu midayn lahaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Dhinaca kale badhasaabka Sool waxa uu ka warbixiyay mashaariicda dhinaca horumarka ee gobolka laga hirgeliyay mudadda uu joogay, kuwaasoo ay ka mid yihiin adeegyadda caafimaadka, waxbarashadda iyo biyaha.

Waxaanu yidhi “Sanadkan 2019-ka, waxaanu ku astaysanay sanadka horumarka iyo is-dhexgalka bulshadda. Waxa ugu muhiimsan ee aan wax ka qabanay waa amniga. Waxaanu magaaladda Laascaanood ka hirgelinay library ay ardaydu wax ku akhrisato.

Mashaariic fara badan ayaa ka socda degaamadda gobolka Sool, sida Xudun, Boocame, Kalabaydh, Dharkayn, Yagoori iyo kuwo kale. Waxaana degmooyinkaa gaadhay mashaariic dhinaca amniga ah, oo waxaa laga dhisay saldhigyo boolis. Laascaanood laba sadhig boolis oo waaweyn ayaa laga dhisay. Oo imika shaqeeya”.

 

 

 

Leave a Reply