sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka ee dalka Sucuudiga Tawfiiq Al-Rabiic , gabadh u dhalatay wadanka Sucuudiga oo maskaxdeedu dhimatay ayaa ku guulaystay in ay badbaadiso 7 qof muddo 24 saacadood ah gudahood.
“ kooxdayada caafimaadku waxa ay awood u yeesheen in ay ku guulaystaan in ay u kala bedelaan xubnahoodii gabadh ay Maskaxdeedu dhimatay iyo toddoba qof oo kale”. ayuu yidhi Wasiir Tawfiiq oo qoraal kooban kusoo qoray boggiisa Twitter-ka oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.
“ Beerkeedii waxaanu u qaybinay laba qaybood oo waxaanu u gelinay laba qof oo xanuunsanaayey ,sidoo kale mid kamid ah kelyeheeda ayaanu qof bukaan ah u gelinay, sidoo kale Ganaceedii ayaanu qof bukaan ah oo kale u gelinay, anaga oo sambabadii gabadhaasna laba qof oo iyaguna bukaan ahaa u gelinay , waxa dheeri ahaa wadnaha iyo mid kamid ah kelyeheeda oo aanu iyagana laba qof oo kale u gelinay”. ayuu ku daray Wasiir Tawfiiq.
wasiirku waxa uu sheegay in ay dhakhaatiirta dalkaasi ay wadeen hawlgalkan muddo 24 saacadood ah, kuwaas oo si joogto ah u waday, waxaanu tilmaamay in ay ugu dambayn ku guulaysteen qaliinaddaas ay xubnaha ku beerayeen bukaanaddaasi kala duwan.