Dalka Algeria Oo Sameeyey Gaadhi Dagaal Oo Noociisu Faransiis Yahay ,Qorigiisuna Ruush

0
628

warshad ay lee yihiin ciidamada dalka Algeria ayaa sameeyey markii ugu horeysay gawaadhi kuwa dagaalka ah, kuwaas oo noocoodu yahay gaadiidka uu caanka ku yahay dalka Faransiisku, waxaana gaadhigaasi la saaray qori noociisu yahay qoryaha ay waqtigan samayso dawladda Ruushku.

gaadhigan oo lagu magacaabo Panhard AML ayaa noqday gaadhigii ugu horeeyey ee ay sannadkan soo saaraan warshadaha ciidamada ee dalka Algeria, kuwaas oo gaadhigan soo bandhigay  29 October ee sannadkan, sida lagu daabacay wargeyska Armyrecongnition oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan .

gaadhigan AML60 ayaa loo dhalan rogay  Anti-Tank, iyada oo lagu xidhay gantaaladda Ruushka ee loo yaqaano Kornet ama Concourse Missile, kuwaas oo ay weheliyaan Radaaro iyagana lagu sameeyey dalka Ruushka iyo  qoryo fud fudud.

gaadhigan ayaa sidoo kale loo sameeyey  saddex kursi oo darawalka ku xiga iyo sidoo kalena muraayad nooca aanay xabadu Karin ah.

gaadhigan lagu magacaabo Panhard AML ayay ciidamada Faransiisku markii ugu horeysay isticmaaleen sannadii  1960-kii, iyada oo wax ka bedel lagu sameeyey sannadkii 1980-kii, waxaanay warshadaha Faransiisku soo saareen ilaa 5000 oo nooc oo gaadhigaasi ah , kuwaas oo siyaabo kala duwan loo isticmaali karo , waxaana ku xidhan qori dhererkiisu yahay 90 mm.

 

 

 

 

Leave a Reply