Gabadh Maskaxdeedu Dhimatay Oo Badbaadisay Nafaha 7 Qof 24 Saacadood Gudahood Dalka Sucuudiga

0
432

sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka ee dalka Sucuudiga Tawfiiq Al-Rabiic , gabadh u dhalatay wadanka Sucuudiga oo maskaxdeedu dhimatay ayaa ku guulaystay in ay badbaadiso 7 qof muddo 24 saacadood ah gudahood.

“ kooxdayada caafimaadku waxa ay awood u yeesheen in ay ku guulaystaan  in ay u kala bedelaan xubnahoodii gabadh ay Maskaxdeedu dhimatay  iyo toddoba qof oo kale”. ayuu yidhi Wasiir Tawfiiq oo qoraal kooban kusoo qoray boggiisa Twitter-ka oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

“ Beerkeedii waxaanu u qaybinay laba qaybood  oo waxaanu u gelinay laba qof  oo xanuunsanaayey ,sidoo kale mid kamid ah kelyeheeda ayaanu qof bukaan ah u gelinay, sidoo kale Ganaceedii ayaanu qof bukaan ah oo kale u gelinay, anaga oo  sambabadii gabadhaasna laba qof oo iyaguna bukaan ahaa u gelinay , waxa dheeri ahaa wadnaha  iyo mid kamid ah kelyeheeda oo aanu iyagana laba qof oo kale u gelinay”. ayuu ku daray Wasiir Tawfiiq.

wasiirku waxa uu sheegay in ay dhakhaatiirta dalkaasi ay wadeen hawlgalkan  muddo 24 saacadood ah, kuwaas oo si joogto ah u waday, waxaanu tilmaamay in ay ugu dambayn ku guulaysteen qaliinaddaas ay xubnaha ku beerayeen bukaanaddaasi kala duwan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply