Khurafaadka Ku Lamaan Safarada Badda!

0
400

Dadkii hore marka ay safarka badda ku jiraan waxa soo waajihi jiray dhibaatooyin badan sida badda oo kacsan, dabaylo , duufaano iyo roobaab mahiigaano ah oo jihada ka lumiya.

Wakhtigaasi dadku ma haysan maraakiibta iyo Doonayha mishiinka casriga ah leh, waxay ku safri jireen Doonyo shiraac leh oo dabaysha la sheqeeya. Wakhtigaasi waxay dadku aaminsanayeen caadooyin kala duwan, waxaana marka ay ka baqdaan inay qarqoontu Doonadu dabaysha awgeed, ay naakhudaha iyo dadka rakaabku rumaysanaayeen inuu Mayd ku jiro sanduuqyada dadku sitaan, oo khiyaamadaasi awgeed ay keentay ciqaabka.

Waxay baadhid ku bilaabi jireen alaabada, marka ay ka quustaan in mayd ka soo saaraan, waxay odhan jiren waxa inaga mid ah qof  habaaran oo baxsad ah sidaa awgeed waxa dadka lagu khasbi jiray in loo qori tuur oo kii ay usoo baxdo badda lagu tuuro.

Dhaqankan ayaa ah mid salka ku hayay marka ay dadku u nool yihiin sida xayawaanka, waayo kama faa’iidaystaan caqliga, waxaana ay adeegsadeen khurafaad iyo beeno mala awaal ah oo kooban. Aadamigu marka ay maskaxdiisu noqoto mid naafo ah dhibta uu geyasanyo ayaa ka badan waxtarakiisa.

Leave a Reply