Shirkadda Baabuurta Ee Awdhii Oo Suuqyada Soo Gelinaysa Gaadiid Si Weyn Uga Duwan Gaadiidka Waqtigan La Isticmaalo

0
510

Shirkadda Awdii ayaa gaadiidkan qaybo kamid ah kusoo bandhigtay suuqyada gaadiidka ee magaaladda Farankfoodh sannadkan sii galbanaaya ee 2019-ka, waxaanay  goobtaas keentay gaadiid cusub oo laba qaab loo kaxaysan karo, kuwaas oo iskood isu wadi kara, sidoo kalena la wadan karo, waxaana kamid ah gawaadhi mari karta goobaha rafka ah oo ay shirkaddu ugu talo gashay in ay isticmaalaan dadka dalxiiseyaasha ahi.

Gaadhigan goobaha Rafka ah ee bilaa wadada ah ay shirkaddu ugu talo gashay ayaa ah mid leh afar taayir oo dhaadheer , kuwaas oo dhulka kor uga qaadan 83 cm,gaadhigan ayaa si fudud u mari kara dhulka banaanka ah iyo meelaha buuraha ahba, waxa kale oo uu gaadhigani ka samaysan yahay Quraarad aad u adag oo ay adag tahay in ay si fudud wax u noqotaa, waxaana gaadhigan loo sameeyey habka Dayax gacmeedyada oo kale, isaga oo si fudud u kori kara buuraha guudkooda,waxaana la moodaa marka uu buurta taagan yahay dayax gacmeed.

Sidoo kale gaadhigan ayaa ah mid kaga duwan gaadiidka kale habkiisa samays ee daakhadaha iyo muqaalka duushisa sare, sidoo kale waxa uu kaga duwan yahay  muraayaddaha hore oo ah kuwo loogu talo galay in ay si fudud uga boodaan ama uga silbadaan waxwalba oo ku dhacaa, waxaana gaadhigan lagu magacabaa Tarayl oo macnaheedu yahay Adayg , waxa uu sidoo kale lee yahay muraayad kuwa muqaalka ah oo ku dhex taalla, taas oo lagala socon karo Aflaamta iyo shirarka hababka tooska ah loo galo, waxaana si fudud loogu isticmaali karaa Mobile-ka gacanta oo lagu haki karo.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay soo saartay gaadhi kale oo lagu magacaabo E-tron, kaas oo muqaal ahaan u eg gaadiidka qadiimiga ah ee waqtigan la isticmaalo, laakiin aad uga duwan dhinaca istimaalka,gaadhigan ayaa leh Kamarado dhinacyada kaga xidhan, kuwaas oo si fudud loogala socon karo meel walba oo uu gaadhigani maraayo bad iyo berriba.

Gaadhiga Trial Quatrol ayaa isagu ay mid  waqti dheer socon kara, isaga oo jari kara masaafo aad u dheer iyo xawaare aad u sareeya, waxaanu awood u lee yahay in uu jaro 500 km/saacadiiba, iyada oo qofka wadaa uu awood u lee yahay ama xor u yahay in uu isagu gacantiisa ku kaxaysan karo iyo in uu gaadhigaasi is wadi karo labadaba.

Taayiradda gaadhigan oo ah afar taayir ayaa ah kuwo aad loo adkeeyey, ayna adag tahay sida ay u furmaan,waxaanu wataa qalab loogu talo galay oo lagu furfuri karo shaagaga gaadhigan, kuwaas oo aad uga duwan kuwa aynu caadiga u isticmaalo.

Gudaha gaadhiga ayaa isaguna aad uga duwan gaadiidka kale, waxaana ku yaala afar kursi oo laftoodu kala duwan, iyada oo labada kursi ee dambe lagala degi karo gaadhiga, iyada oo siyaabo kala duwan loo isticmaalaayo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply