Marawaxadihii Waaweynaa Ee Lagu Isticmaali Jiray Goobaha Kulul Oo La Bedelaayo

0
480

Shirkadda Mafazon ayaa markii ugu horeysay soo saartay Marawaxad yar oo le’eg sameecadaha dhegaha la gashado ee lagu dhegaysto Mobiles-ka, taas oo awood u leh in ay qaboojiso qofka , iyada oo aanu qofku joogin gurigiisa , iyada oo khubarrada caalamka ee dhinac isbedelka cimiladu ku tilmaantay wax soo saarkii ugu wanaagsanaa ee adduunka lagu soo kordhiyey in ay tahay .

Marawaxadan  ayaa ay mid aad u yar, sidoo kalena waxa ay qabanaysaa u aad u weyn yahay, waxaana sida sameecaddaha Mobile-ka oo kale lagu xidhanayaa qoorta, iyada oo laga shidaayo qoorta dambe, waxa sidoo kale lagu xidhan karaa gacmaha.

Marawaxadan yar ayaa  dhalin karta qabow dhan ilaa 200 oo Degree, sidoo kalena waxa ay gaadhi kartaa ilaa 360 degree, waxaanu qabowgaasi si qun yar qun yar ah u gaadhi karaa jidhka qofka , iyada oo aanu qofka sita marawaxadan yari maqli Karin codka marawaxada, halka aynu maqalo marawaxadaha kale codkooda, waxaana meesha ka baxaaya codkii aad dhibsanaysay marka aad marawaxada shidato ama codkii ay dadka kale ee kula joogaaba dhibsanayeen.

Waxa ku jira Marawaxadan Mafazon Baytariy yar oo ka samaysan Litiyoom, kaas oo shaqayn kara wax ka badan hal saac, waxaanay Marawaxadani shaqayn kartaa oo uu qofku isticmaali karaa muddo 7.5 ah, waana marka si wanaagsan baytariygeeda loo buuxiyo, waxa kale oo uu baytarigaasi shaqaynayaa 4 saacadood hadii dabkiisa laga dhigo kala badh.

Tijaabooyinkii ugu horeeyey ee lagu sameeyo Marawaxadan ayaa lagu ogaadey in ay jidhka si fudud u gaadhsiin karto qabowga , iyada oo mar keliyaata gaadhsiinaysa ilaa toddoba Degree qabow gaadhaaya.

Marawaxadan ayaa ah mid aad u yar una fudud, waxaanu qofku u qaadan karaa meel walba oo uu doono, isaga oo ku xidhanaaya galkeeda, jeebkana ka laalaadsanaaya,waxaanaad ku isticmaali kartaa,gurigaaga, xafiiskaaga iyo goobaha lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan .

Mafazon  oo ah marawaxad aad u yar ayaa waqtigan shirkadda samaysay wadaa sidii ay u badin lahayd, iyada oo laba midab ka dhigaysa, waxaana la filayaa in ay dhowaan suuqyada adduunka soo gasho, waxaanay ku soo gelaysaa qiime dhan $700 oo Dollar.

Inkasta oo waqtigan laga baxay waqtigii Xagaaga ee Kulaylaha aha, dalalka qaarkood waxa la galay waqtigii qaboobaha ahaa oo dalalkaas uu ka da’o baraf aad u badani, si taas lamid ahna waxa lasoo saaray qalab kale oo aad u yar, kaas oo lagu magacaabo Cold Proof, waxaanu isugu jiraa qayb kulaylka ka hortegaysa oo jidhka qaboojinaysa iyo qayb jidhka kululaynaysa oo qabowga Faraha badan ka hortegaysa.

Qalabkan ayaa isna ah mid aad u yar oo uu qofku awood u lee yahay in uu qaato oo uu meel walba la tago, isaga oo habab kala duwan u isticmaalaaya, gaar ahaana marka uu fadhiisanaayo waa uu ku fadhiisan karaa, marka uu socdona jidhka ayuu gashan karaa.

Qalabkan  Cool Proof ayaa ah mid  hab khafiif ah loo sameeyey, kaas oo qofka aan culays badan ku hayn ama ku keenayn, waxaanu qofku isticmaali karaa isaga oo saaran gaadhigiisa ama mootadiisa, waxa sidoo kale wada isticmaali kara laba qof ilaa saddex qof , kuwaas oo uu jidhkooda ka dhigaayo dirimaad.

Waxa ku xidhan qalabkan yar  xadhiga loo yaqaano USB-ga , iyada oo loogu xidhiidhin karo Computer-ka oo lagu jaajar garayn karayo, sidoo kalena ay labada qof ku wada jaajar garaysan karayaan  Mobile-kooda gacanta, inkasta oo uu wato qalab loogu talo galay.

Qalabkan yar ee Cool Proof-ka loo yaqaano ayaa lagu isticmaali karaa meel kasta oo loo baahdo, gaar ahaana goobaha ciyaaraha, beeraha iyo meelaha dalxiiska intaba, iyada oo lagu jaajar garaysan karo baytariyada gawaadhida laftooda.

Iyada oo uu weli qalabkani ku jiro tijaabooyinkii ugu horeeyey , haddana waxa la filayaa in uu dhowaan suuqyada soo galo, madaama oo lagu jiro waqtigii qaboobaha, waxaanu kusoo geli doonaa  lacag dhan $50 dollar.

Leave a Reply