Bulshada Ayuu Caan Ka Dhex Noqday!

0
416

Bishii janaury 30, sanadkii 1982 , 12:30 duhurnimo waxa gurigiisa Jarmalka ku dhintay Cali Sulaymnaa Jamaal oo loo yaqaanay Rafaat Al-Hajan waxaana uu u dhintay xanuunka kansarka.

Toddoba sano ka dib dhimashadiisa sanadkii 1987 ayay sirdoonka Masaarida taariikhdiisa sirdoonka gudaha ciidanka Israa’iil ay soo bandhigeen.   Waxaana laga sameeyay musalsalo iyo filimaan xidhiidh ah oo laga daawado Tv-da Masaarida.

Rafaat Al-Hajan waxa uu ka mid ahaa sirdoonka caanka ka ah ee dalka Masar. Dalka Israa’iil gudihiisana waxa looga yaqaanay Jack Beaton iyadoo sirdoonka Masaariduna ay u yaqaaneen Rafat Al-Hajan. Waxa uu ka furtay xarun ganacsi oo weyn magaalada Talabiib, waxaana uu noqday qof caan ka ah bulshada Yuhuudda.

Wuxuu sanado badan basaasayay Dalka Israa’il, isagoo  u soo gudbiyay sirdoonka Masar macluumaad badan oo muhiim ah, waxaana u soo marin jiray shirkad dalxiis oo Israa’iil gudaheeda ka shaqaynaysay.

Dagaalkii 1967 ayuu siro badan uga soo gudbiyay dalkiisa. Wuxuu qayb weyn ka qaatay diyaar garwgii dagaalkii 1973, isagoo warbixin sugan ka keenay Qalcaddii  Barleif ee Yuhuudda.

Masar waxa looga yaqaan geesi muddo 17 sanno ah ka sheqeeyay gudaha Israa’iil.

Waxaana uu ahaa sirdoon aad uga yaabiyay dawladda Yuhuudda, inkasta oo Israa’iil lafteeduna sheegtay inuu iyadana la shaqaynayay sida lagu daabacay wargeyska Hertz ee israa’iil ka soo baxa.  Rafaat Al-Hajaan waxa uu dhashay sanadkii 1927.

 

Leave a Reply