Waxay kuwada noolaayeen iyada wiil yar oo ay dhashay makhsin yar oo aan la hayn saqaf sare. Haddaba Maalin ayuu roob aad u badani soo da’ay, wiilka yarina weligii ma arag roob sidan u badan.
Markii uu aad usii batay ayay hooyadi albaabkii guriga soo saartay oo iyada iyo wiilkeedii yara hoosta ka galeen. Wiilka yar ayaa markii uu roobka qaaday hooyadii ku yidhi : “ hooyo dadka Saboolka ah ee aan haysan albaab xagee ayay roobka ka galaan ? . Dareenka caruurta ayaa muujiya xaqiiqooyinka jira, waxaana uu ka fikirayaa inay jiraan dad aan xataa haysan albaab ay roobka ka galaan.