- Nin ayaa maalin u yimid sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysay Nebiga (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo badan ugu lahayn iyo sirta ku jirta?
- Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:-
Waxaan ogaaday in risiqayga cidna iga qaadaan karin, markaasaa qalbigaygu degay oo xasilay.
Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameeneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay. - Waxaan ogaaday in Allah (sw) i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.
Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aan dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka Rabbi.