Xikamadaha Maanta

0
108
  • Nin ayaa  maalin u yimid sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysay Nebiga (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo badan ugu lahayn iyo sirta ku jirta?
  • Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:-
    Waxaan ogaaday in risiqayga cidna iga qaadaan karin, markaasaa qalbigaygu degay oo xasilay.
    Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameeneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay.
  • Waxaan ogaaday in Allah (sw)  i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.
    Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aan dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka Rabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here