Fargal La Socon Kara Xaaladdaha Qofka Xidhan Oo Soo Baxay

0
675

Fargalada dhowaan soo baxay ee isbedelka weyn lagu sameeyey waxa kamid ah fargalka lagu magacaabo Mota oo laga dhigay mid ay ku xidhan tahay Kamarad yari, sidoo kalena awood u leh in lagu xidho Bluetooth-ka taleefanka gacanta, iyada oo uu qofku si fudud ugala socon karo halkaas waraaqaha iyo lambarada taleefankiisa kusoo dhaca.

Mana aha intaas oo keliyaata, qaybo kamid ah Fargaladan ayaa ah kuwo la socon kara Dhaq dhaqaaqa qofka xidhan , gaar ahaana dhinaca caafimaadkiisa, isaga oo ku sheegaaya waxyaalaha aad cunayso waxyaalaha kusii jira iyo waxyaalaha ay ka kooban yihiin,waxaana kamid ah Fargalka Bio oo isagu si fudud ula socon kara xaaladda caafimaad ee Wadnaha qofka xidhan, waxaanay macluumaadka oo dhan u dirayaan taleefanka gacanta ee qofka.

Fargaladan cusub ee Tignoolajiyadu ay saamaynta weyn ku yeellatay waxa ay dad badan awood u siiyeen in ay si fudud ula socon karaan xaaladohooda caafimaad ee kala duwan.

Fargalka Badro ayaa isna kamid ah Fargalada soo baxay dhowaan, waxaanu si fudud ugu isticmaali karaa qofka xidhani Labtoobkiisa , isaga oo kaga maarmaaya Mooskii uu gacanta ku kaxayn lahaa , waxaanu si fudud ugu wad wadi karaa Fargalkaasi, sidoo kalena qoraaladda ayuu ku isticmaali karaa, isaga oo fartiisa oo keliyaata dhaq dhaqaajinaaya.

Fargalkan ayaad ku xidhiidhinaysaa Bluetooth-ka Computer-kaaga, isaga oo si fudud qofku ugu isticmaali karo  Computer-kiisa, waxa keliyaata ee uu dhaqaajinayaana ay tahay Fartiisa , isaga oo meel walba oo uu doonaayo geyn kara Keersarka ama Falaadha Computer-ka.

Fargalkan Badro ayaa awood u leh in uu iska xejiyo Biyaha, waxbana aanay yeelin, waxaanu qofku qabsan karaa shaqooyin badan isaga oo Fargalkaas xidhan,waxaanu qofku xidhnaan karaa in ka badan saddex saacadood.

Fargalkan Badro ayaa sidoo kale  kamid noqday Fargalada sida weyn loo isticmaalo waqtigan, iyada oo lacagta la siinayaa ay gaadhey $120 Dollar, waxaanu si toos ah usoo geli doonaa suuqyada caalamka dhowaan .

 

Leave a Reply