Ruushka Oo Hubkiisa Qaybo Kamid Ah Isbedel Ku Samaynaaya

0
528

Wasaaradda Difaaca iyo khubarrada dhinaca hubka ee wasaaradaasi ayaa wada qorshe ay wax ka bedel ku samaynayaan hubka ciidamada Ruushku isticmaalaan xiligan qaybo kamdi ah, gaar ahaana hubka dhinaca difaaca circa ee Pantzer loo yaqaano.

Sida lagu lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee TASS oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  hubkan Panzer ayaa la doonayaa in laga dhigo qaybo kamid ah kuwo iskood u shaqeeya ama Habka Robot-ka u shaqeeya, isaga oo si madaxbanaan u ilaalinaaya meelaha Target-ka noqon kara ee cadowgu weerarada kaga soo qaadi karo, waxaana hubkaas ka shaqaynaaya ciidamo ka yar kuwii hore uga shaqayn jiray.

Hubkan ayaa laga hagi doonaa xarunta ciidamada difaaca cirka ee Ruushka, iyada oo lagu xidhiidhinaayo khadka Internet-ka, iyada oo khubarrada ciidamadu ay marwalba la soconayaan macluumaadka ay hubkan ku isticmaali karaan ciidan ahaa, waxaana hubkaas loo dirayaa sawiro la xidhiidha noocyadda hubka ee hawada ku jira , loogana baahan yahay in uu ka hor tago iyo meelaha laga soo riday.

Waxa ay wasaaradda difaacu aad u yaranaysay ciidamadii daba socdon jiray hubkaas iyo gaadiidak uu saaran yahay, iyada oo lagu reebaayo ciidamada gaadiidka wada oo keliyaata ,waxaanay sheegeen khubarrada wasaaradda Difaacu in ay ku dedaalayaan badbaadada ciidamada , madaama oo meelaha qaarkood ay adag tahay in ay cimiladeeda ku shaqeeyaan , iyada oo laga yaabo in ay waxyeelo kasoo gaadho Kimikada  iyo Radio Active-ka ay hubkaas u isticmaalayaan.

Leave a Reply