Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Booqday Mashruuca Banka Wajaale

0
565

Qore Khadar M. Xaashi

Tog-Wajaale (Dawan): Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ciidamada booliska ku amray inay joojiyaan cunista Qaadka, taasi oo uu sheegay inay u wanaagsan tahay.

Sidoo kale waxaa uu ciidamada Bileyska uga digey in aanay wax Qaad ah qaadan karin, marka ay direyska lebisan yihiin, in aanay wax qaada iibsan karrin marka ay gaadiidka booliska saaran yihiin, in aanay saldhigyadda ku cuni karrin wax Qaadka.

Dhinaca kale waxaa uu ciidamada booliska ku wargeliyay sidii ay u wanaajin lahaayeen xidhiidhka iyaga iyo dadweynaha ka dhaxeeya, waxaanu sidan ka sheegay safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago mashruuca ciidanka ee Banka Wajaale.

“Waxaa ILLAAHEY qadaray anaa aan talada ku darsaday in aan socodkeyga u horeeya aan Wajaale ka soo bilaabo, waxaan doonaya xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya in aan wanaajino ta leysku heysta wata.

Ta la doonayo in aan wax ka badella waata xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya weynu badelayna weynu wanaajineynaa, qofka la soo qabayo ee dhibane ka cabanayo waala raacaya si wanaagsan oo sharaf leh ayaa loo soo qabanayaa” ayuu yidhi taliyuhu isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi taliye dabagale.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Qaadku saddex jeerba waa mabnuuc, inta aynu Istayshanka joogno waa mabnuuc, marka aynu labisaneyno in aynu qaadanaana waa mabnuuc, gaadiidka booliska isaga oo astaanta booliska leh inuu istaaga waa mabnuuc oo uu Qaad iibsada ninkii doonaya ee rasaas isla dhacayow aqalkaaga dhexdiisa isla dhac.

Qaadka lama ogola ee iska daaya idinkana waa ay idiin wanaagsan tahay, caddaalada ILLAAHEY uunba dhammeystiri karra laakiin aniga dadaalkeyga waxaan balanqaadaya raga aan xukumana ku ilaalinayaa madaxweynuhuna macalin igu yahay oo uu I faray ILLAAHEY-na I faray in aynu cadaalad dhexdeeda isku xukuno”.

Geesta kale Taliyaha ciidanka degan Banka Wajaale ayaa taliyaha uga mahadnaqay booqashada u ugu tagey. Waxaanu yidhi “Taliye ku soo dhawow mashruuca Booliska ee ILLAAHEY barwaaqeeyay waanu kaaga mahad-naqayna kormeerka aad noogu timid.

Waxaanu qodney todoba boqol iyo afar iyo afartan saacadood kuwaasi oo isugu jira 20-Galeya iyo 30-Digira iyo lix boqol sagaashan iyo afar Hadhuudha dhammaantoodna waa ay baxeen waxaasi oo dhammi, Galeydii badh waanu tuney oo waa ay xareysan tahay, qaybna waanu soo jarnay, madaxiina waanu soo xareyna oo waxaa uu yaala meesha, Digirtii iyana waa ay taalla”

Leave a Reply