“Madaxweynuhu Wuu Qaataa Tallooyinka Nasteexa ah Laakiin Xaq Buu u Leeyahay inuu Diido Tallooyinka Dastuurka Dalka Khilaafsan”

0
502

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Xuseen Aaden Cige Xuseen Dayr ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in uu xumaaday Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Xuseen Aaden Cige oo u warramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba iska badalin Xidhiidhka ka dhaxeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay in xukuumaddu aanay cidna marti uga ahany qabashada Doorashooyinka iyo hirgalinta Dimuqraadiyadda, waxana uu intaasi ku daray in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka ay la leedahay Beesha Caalamka.

Xuseen Aaden Cige oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax jira maaha in ay isaseegeen Xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Beesha Caalamka. Somaaliland iyo Beesha Caalamka xidhiidhkoodu in uu wanaagsanaado mooyaane meel ay isku seegeen ma jirto, Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland beesha Calamka marti ugama aha, inaga oo Somaliland ah ayaa dooranay Dimuqraadiyada ee maaha mid Beesha Caalamka ku qancinayso Somaliland. markaa cidda leh Beeshii Caalamka ayaa Somaliland diidan mid ay wax ka jiraan maaha.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dedaalaysaa sidii indhaha Beesha Caalamka ay ugu soo jeedin lahayd Somaliland iyo Horumarka ka socda dalka”.

Eng. Xuseen Aden Cige ayaa waxa uu soo dhaweeyay isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sameeyay Golaha Wasiiradda. Waxaana uu yidhi “Waan soo dhawaynayaa isku Shaandhayntaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku Sameeyay Xukuumadiisa, dadkuna waa soo dhaweeyeen, waana xaq Dastuuriya oo uu leeyahay Madaxweynuhu in uu ku sameeyo Golihiisa Wasiiradiisa iyo in uu xil u dhiibo ciddii uu u arko in uu xil u dhiibi karro, Qarannimada Somaliland laguma kala qaybsana. Maraykanka oo adduunyada ugu tun weyn, way ka jirtaa in lagu kala qaybsamo Siyaasada. Xisbiyada Mucaaaradku Qaranka ayay ka mid yihiin, mana arko meel uu Madaxweynuhu ku diiday talada Qaranka, laakiin haddii cid waliba tidhaahdo Madaxweynuhu ma qaato talada, waxa jira dariiqyo loo maro talada loo soo jeedinayo Mdaxweynaha”.

Sidoo kale Xuseen Aaden Cige ayaa waxa uu u soo jeediyay Xisbiyada in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb gali la haayeen Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanada dalka. waxaana uu yidhi “Xukuumadda waxa waajib ku ah in ay dalka Doorashooyinka ka qabato cidii galaysay Doorashooyinka ee loo qabanayaa waa Saddexda Xisbi Qaran, waana in ay u diyaar garoobaan Xisbiyaddu sidii ay uga qayb gali la haayeen Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanada dalka, labadii Sanno ee ugu dambeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Koomishankii Doorashooyinka ee la badalay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani wuu ka cawday, waxa ay yidhaahdeen kuma kalsoonin sababaha aanay ugu kalsoonayn Maxkamadda sare kamay dacwan, markaa may ahayn in ay cabasho uun ay sii wadaan”.

 

Leave a Reply