Wasaarada Beeraha oo ka Hadashay Roobab ku Soo Wajahan Goballada Sool iyo Sanaag

0
495

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Biyaha ee Saadaasha Hawada ee Wasaaarada Beeraha Somaliland Cabdiqani Yusuf Galaydh ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Gobalada Sool iyo Sanaag in ay ka feejignadaan Roobab laxaadleh oo sida la filayo maalmaha soo socda ku soo waajahan gobaladaas.

Cabdiqani Yusuf Galaydh oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in afar iyo labaatanka Saacadood ee soo socda ay ku soo fool leeyihiin Roobab Gobalada Sool, Sanag iyo qaybo ka mida gobalka Togdheer, waxana uu u soo jeediyay Dadweynaha Gobaladaa in ay ka taxadiraan daadadka ka soo rogman kara Rooban kaas.

Cabdiqani Yusuf Galaydh oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa jirta Duufaan ka qaraxday dalka Hindiya waxaana laga yaabaa in Duufaantaasi 24 iyo 72 saacadood ee soo socda in Gobalada Bariga Somaliland ay soo gaadho duufaantaasi, dabayshu waa ku yaraanaysaa waxaana soo gaadhi doona roobab Gobalada Sool iyo Sanaag iyo qaybo ka mida Gobalka Togdheer Roob aad u faro badan ayaan rajaynaynaa in uu soo gaadho. waxaana laga yaabaa roobkaasi in uu daad ka sameeyo Gobalka Sanaag oo meelaha godan daadadkaasi ku soo rogmadaan”.

Sidoo kale Cabdiqani Yusuf Galaydh ayaa waxa uu soo jeediyay Dadweynaha ku dhaqan Gobalada Sool iyo Sanaag in ay ka taxadiraan daadadka Roobaabkaas. waxaana uu yidhi “Waana ugu baaqayaa in ay dadku ka taxadiraan oo iska ilaaliyaan Meelaha daad mareenada ah waana in dadku ka faa’iidaystaan Roobkaas, markaa waxa aanu filaynaa in Roobab kaasi Wakhtiga ay da’ayaan uu dheeraan doono 48 Saacadood uu di’ doono roobku waxaana roobkaasi aad ugu badan doonaa Maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ee fooda inagu soo haya, illaa sagaalka bisha.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply