Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaalada Amni Ee Kasoo Cusboonaatay Deegaanada Cali-Saahid

0
758

Qore Xabiib Cigge

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay xaalada nabadgelyo ee ka jirta Deegaanka Cali-Saahid oo ka tirsan Gobolka Togdheer,

Gudoomiye Xamse iyo wafti odayaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay deegaamadaasi, isla markaana soo afjaray khilaaf kooban oo soo kala dhex gelay qaarkamid dadka degan deegaankaasi.

Gudoomiye Xamse oo markii uu soo laabtay kula hadlay warbaahinta xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay xaalada ammaan iyo deganaansho ee deegaankaasi waxaanu yidhi “Haddaan warbixin kooban idinka siiyo xaalada Cali-Saahid sida arinta loo buun-buuniyay ama loo weyneeyey maaha, arrintu waxay ahayd uun Dadka deegaankaas oo runtii jeclaa uun inay kawada hadlaan wax danta deegaankaas oo ku saabsan sidii deegaankaas, waad ogtihiin iminka waxa ku badan arlada dhul daaqsimeedkii oo rabo in tuulooyin laga sameeyo, in baliyo cusub laga sameeyo, in beero laga sameeyo waxyaabo noocaasa, markaa runtii uun hadalkii ba isu qaban waayay (dadkii Deegaanka), markaa sixun wax u sheege sixir ka daran, baa la yidhiye, dad baa jira inay arintii si kale u rogaan oo dagaal baa jira iyo beelaa halkaa isku hor fadhiya iyo wax caynkaas ah buun buuniyaan raba, arintaasi waa been oo waxba kama jiraan”

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi waxa uu intaasi sii raaciyay inay tageen deegaanaasi isla markaana soo dhameeyeen isfahmi waa yar oo soo kala dhex galay dadka walaalaha ee wada degan deegaankaasi waxaanu yidhi “Shalay waanu tagnay Halkaa Gudida nabad gelyada ee gobolka ayaanu ku tagnay, go’aamo dhaxal gala oo khuseeya deegaankaas halkaa waanu uga akhrinay oo ay kamid tahay inaan la samaynin deegaan cusub oo ay tahay siyaasada xukuumada Somaliland in dhul daaqsimeedka la ilaaliyo wax deegaamayn cusub ahna aan lagu soo kordhin”

 

 

Leave a Reply