Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha oo Tababbar u Qabatay Dhalinyaro loo Carbinayo Hoggaaminta

0
520

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay tobabar u qabatay Dhalinyaro loo carbinayo hoggaaminta, tababarkaasi oo ku saabsanaa kusaabsan dastuurka iyo Xeerarka Dhaqangalka ah ee Dalka iyo Qaabka ay u shaqeeyaan Waaxaha qaranku iyo Qaab dhismeedka Dalka.

Dhalintaradani oo Xarunta Daraasaadka Siyaasada ee CPA gacanta ku hayso, ayaa kulankan waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, agasimaha guud ee wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Jamaal Cabdi Muuse, xubno ka mid ah agasime waaxeyada wasaarada.

Tababbarkani wayaa ugu horrayn waxa ka hadlay agaismaha guud ee wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Jaamaal Cabdi Muuse, waxaanu kawarramay ujeedka tobabarkani. Sidoo kale, waxa iyaguna dhankooda tobabarkani waaaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurku u qabatay ka hdlay mid kamid ah dhalinyarada loo carbinayo hoggaaminta.

Ugu danabntii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo tobabarkani soo xidhay ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay in labarto dastuurka iyo waddaniyada, isagoona dhiiri galiyey dhalinyaradani loo carbinayo hoggaaminta.

Tobabbarkani ayaa noqonaya Sannadki labaad ee Wasaaraddu u qabayo Tabobbarkan ku Saabsan Dastuurka iyo Wadaniyada, Gabagabadii Wasiirka ayaa u gudoonsiiyey shahaadooyin ku Saabsab Tabobarka ay Qaateen.

 

Leave a Reply