Godka Iftiinka Badan Gudcurka!

0
150

Godka Waitomo Gloworm Cave oo ku yaalla dalka Newzealand ayaa ah god aad cajiib u ah. Godkana ayaa habeenkii bixiya muuqaalo  laydh oo iftiimiyi gudihiisa iyo hareerahiisa.  Iftiinka ayaa la sheegay inuu ka soo baxo malaayiin dirxiga iftiinka bixiya habeenkii oo godka ku jira. Iftiinkan ayaa qaab aad yaab u leh uga soo lusha gudaha godkaasi, kaasi oo u muuqaanaya mid lagu qurxiyay.

Waxa kale oo mucjiso noqotay in iftiinkan uu yahay nooc uu ku ugaadhsanayo dirxigaasi cayayaanka kale kuwaasi oo marka ay iftiinkaasi soo raacaan uu ku  dhego oo qabsado xabagt iftiinku.  Waa iftiin aad u weyn oo ka qofka aan hore u arag umalayn karo inuu yahay laydh laga shiday gudihiisa ama dhinacyadiis. Dirxigan ayaa loo yaqaaana Arachnocampa luminosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here