Huteel Habeen Keliya Sheqeeya !

0
536

Dalka Shiinaha waxa Huteel aan dunnida kale ka jirin, kaas oo  u dhisan sida qalcadaha boqoraddu geli jireen waayadii hore. Waxaana habeenka keliya lagu seexdaa dabaqa hoose 570 kun dirham.

Huteelka ayaa loo ekaysiiyey  waxyaalihii laga daawan jiray Filimada ,gaar ahaan kuwa ciyaalku daawadaan ee Cartoon-ka loo yaqaano.

Waxaana gudihiisa ku yaala dhisme weyn oo u eg qalcadaha boqoradda, oo ka dul dhisan goob buur ah,

Dabaqa sare habeenka keliya qofka seexanaya waxa uu bixiyaa lacag dhan 80,000 oo dirham.

Hudheelkan ayaa shabahaya sidii  mid khiyaali ah.

 

Wuxu ku yaalla Chine, gaar ahaana magaalada lagu magcaabo Dalian ,taasi oo ay Qaramada midoobey ku dartay liiska 500 ee magaalo ee ugu degaanka fiican dunida ,waana magaalo raaxo loogu talo galay.

Waxaanay hudheelkan dadka dalxiiseyaasha ahi ugu magac dareen Hudheelkii Jacaylka,

Huteelku wuxu leeyahay goobo lagu dabaasho, goobo cunto, iyo goobo kale oo  loo isticmaalo in loogu tamashleeyo,isaga oo noqday hudheelada ugu waaweyn dunnida midkood.

Hudheelkan ayaa leh 292 qol iyo 29 meelood oo meelaha fadhiga ah ee raaxada ah,waxaana habeenkii goobaha qaarkood ku kordha lacagta ,oo gaadha  77,000 dirham dabaqa hoose.

 

Leave a Reply