Shiinaha Oo Sannadkan Ciidamadiisa Badda Ku Qalabeeyey Maraakiib Dagaal Oo Cusub

0
794

Ciidamada Shiinaha ayaa dhowaan soo kordhiyey markab weyn oo nooca dagaalka ah, gaar ahaana noocyadda Diyaaradaha xambaara, sidoo kalena sawaariikhda qaada,  waxaana lagu magacaabaa Markabkan 005 Nanchang, iyada oo qayb ka ahaa mashruuc loogu talo galay in dib loogu qalabeeyo ciidamada oo ay Wasaaradda Maaliyadda Shiinaha iyo wasaaradda Difaaca dalkaasi kala saxeexdeen  horaantii sannadkii 2017-kii.

Markabkan cusub ee Ciidamada Shiinuhu yeelanayaan ayaa kusoo biiraaya tiradda maraakiibta waaweyn ee ciidamada Caalamku isticmaalaan, waana markab si fudud u burburin kara maraakiibta kale .

Markabkan ayaa dhererkiisu yahay 183 meter , sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska The Mirror oo uu qormadan kasoo xigtay Wargeyska Dawan , waxaanu qaadi karaa 10,000 tan oo culays ah , waxaanu noqonayaa markabkii labaad ee ciidamada isticmaalaan adduunka marka laga yimaado markabka ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan ee Zumwalt.

Inkasta oo Markabkani ka yar yahay markabkaasi ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan, haddana  waa markab si weyn loo qalabeeyey,  waxaana ku rakiban ilaa 112 gantaal , kuwaas oo ah noocyadda meelaha fog fog gaadhi kara, waxa sidoo kale saaran gantaalo kale oo ah kuwa xambaara Madaxyada Nuclear-ka xambaara, waxa ku rakiban Gantaalaha lagaga hortago gantaaladda kale , kuwaas oo ay weheliyaan Gantaalaha diyaaraddaha lagu soo rido iyo kuwa lagu burburiyo maraakiibta kaleba.

Dushiisa ayay saaran yihiin diyaaraddo Helicopters ah iyo diyaaraddo kale oo kuwa hawada shidaalka ku kala qaata ah.

Markabkan ayaa lagu xidhay qalabkii ugu dambeeyey ee casri ah  iyo Radaaro meelo fog fog hubka cadowga ka qaban kara.

 

Leave a Reply